Ururka Iskaashiga Islaamka oo ku shiraya Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergooyin ka kala socda Dowladaha xubnaha ka ah Ururka iskaashiga Islaamiga, ayaa la filayaa inuu berrito Shirweyne uga furmo magaaladda Muqdisho, sida ay sheegeen Ilo muhiim ah.

Inkastoo aan la shaacinin Heerka Madaxda ka qeyb geli doonta Kulankaasi, haddana waxay Ergooyinka ka wada xaajoon doonaan Ajendayaasha kala ah:  Amniga Fekerka iyo La-dagaalanka waxa loogu yeero Xag-jirayaasha.

Qabsoomida Shirka OIC ee berrito ka furmi doona magaalladda Muqdisho waxa lagu go’aamiyey Shirkii Heerka Wasiir ee Kooxda Ururkaasi ugu qaabilsan Somalia ay ku yeesheen magaalladda Muqdisho bishii October 27-dii ee sannadkii hore.

Shirkaasi waxaa ka soo qeyb galay xubno ka kala socda 15 Waddan oo ka tirsan Ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC oo uu ka mid ahaa Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Ururkaasi, Hishaam Bin Yuusuf.

Ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC oo la asaasay sannadkii 1969-kii, waxaa xubno ka ah 57 Dowlood oo Islaam ah, iyadoa ay Xarunta Dhexe ee Ururka ku taallo magaalladda Jeddah ee dalka Sacuudiga.

Magaalada Muqdisho waxaa maalmihii ugu dambeeyay ka socday dadaalo ay wadaan laamaha amaanka si loo xaqiijiyo amaanka magaalada Muqdisho oo masuuliyiin kala duwan imaan doonaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com