Sheekh Shariif: Arrintan ma aha mid aan indhaha ka qabsan karo (Dhageyso)

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynehii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay xaaladda dalka uu ku sugan yahay iminka, gaar ahaan tan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Shariif  Sheikh ayaa sheegay in aysan in dhaha ka fiirsa karin dalka oo sii dumaya, madaama uu sheegay in ay meel xun mareyso xaladaha kala gadisan ee dalka, sida amniga, wada sheynta maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe, dhaqaalaha iyo xiriirka arimaha dibada oo uu sheegay in ay sii xumaanayaan.

Shariif ayaa sheegay in dhibaatooyinka ka jira Muqdisho ay xoogeysteen bilihii ugu dambeeyay, islamarkaana loo baahan yahay in dowladda dhexe ee Soomaaliya ay si deg deg ah wax uga qabato.

Waxaa uu sheegay in ay istaageen adeegyaddii muhiimka ahaa ee Magaalada Muqdisho, islamarkaana hadii ay yihiin xisbiyadda Siyaasadda ay arintaasi wax ka qaban doonaan.

“Amniga Muqdisho hoos ayuu u sii dhacayaa, in magaaladna xirnaato, amni uusan jirin ma ahan wax sax ah, waa in istiraatiijiyadaas dowladda wax ka qabato, dowladda labo sano ayay wax qabanayesay, illaa iyo hadda laguma qanacsana ” ayuu yiri Shariif Axmed.

“Doorashadii la soo dhaafay waxaa idin balan-qaaday in aan dowladda wax ka sheegin, balantii waa ku taaganahay, laakiin waxaa rabaa in aan idin sheego, hadda xisbi ayaa hoggaaminayaa oo aan rabaa fikirkiisa inaan idin soo gudbiyo sida uu u arko, dowladnimo waxaa asal u ah heshiis, maanta marka aad fiiriso amniga xaaladiisa, xaalada siyaasadeed, dhaqaale iyo xaalad bulsho, waa inaan ka hadalnaa, ugama hadleyno inaan dowladda dhaleeceyneyno, waa ognahay culeyska yaala, sida aan aaminsanahay ayaa rabnaa inaan sheego”ayuu yiri Sheekh Shariif.

Hoos ka dhageyso Shariif

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com