Shariif Xasan oo ku dhaartay inuusan aqbaleyn…

Asad Cabdullahi MataanBy Asad Cabdullahi Mataan

Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo dib ugu laabtay magaalada Baydhaba ee xarunta gobalka Baay, kadib markii uu ka qeybgalay shirkii Madasha Wadatashiga Qaranka ayaa sheegay in marnaba maamulkiisa aanu aqbli doonin in la sameeyo cadaalad darro la xiriirta hanaanka wax loo qeybsanayo.

Waxa uu sheegay in shirkaasi uu geeyay aragtidii shacabka Koonfur Galbeed ee ahayd in xildhibaanada 2016 lagu soo xulo nidaamka qabiilka ah ee 4.5.

Waxa uu Shariif Xasan hoosta ka xariiqay in qaabkaasi ay u arkeen cadaalad, islamarkaana Soomaalida ay wax ku qeybsan karto, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Shirka ka dhici doona magaalada Kismaayo ayuu sheegay Shariif Xasan in lagu qaadan doono go’aan loo wada dhan yahay oo arrimaha doorashooyinka ku aadan.

Maamullada Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayaa aad u taageeray in xildhibaanada lasoo xuli doono 2016 lagu saleeyo nidaamka qabiilka ah ee 4.5, taasi haddaba ay ku dhisan tahay dowladda Federaalka ee jirta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com