Warbixin: Nicholas Kay oo bohol dheer ku riday Somalia iyo karti xumada XASAN oo soo baxday

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo dhawaan la soo gabagabeeyay shirkii madasha oo aan wax guul ah laga gaarin ayaa waxaa isi soo tarayo tuhunno badan oo salka ku haya sida ay koox walbo iyada u aragto nooca doorasho ee dantooda gaarka aay ka dhex arkayaan.

Madaxa xafiiska qaramada midoobay Nicholas Kay, ayaa ku fashilmay siyaasadda Soomaaliya oo intii uu ahaa ergeyga gaarka ah.

Nicholas Kay ayaa gebi ahaanba dhinac maray oo wax xurmad iyo ixtiraam ahna aan u hayn dastuurka iyo madaxda Soomaaliyeed gaar ahaa Madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha.

Nicholas Kay ayaa dhoodhoobay dowlad goboleedyo aan sharci ku saleysneyn kuwaasoo uu ugu magac daray (Dowlad Goboleed Federaalka ee ku meel gaarka ah). Fashilkan siyaasadeed ee Nicholas Kay ayaa sababay colaado badan oo dhex maray qabaa’ilo Soomaaliyeed oo nabad kuwada noolaa intii aanu bilaabin mashruucan federaaleysiga ah kaasoo ku baxay adduun dhan $750.000.000 (Todoba boqol iyo konton malyuun).

Waxaa arrintan ay fajac iyo layaab ku noqotay dad badan halka aay martay lacagahaas tirada badan oo haddii si sax ah loo isticmaali lahaa wax badan loogu qaban karay shacabka Soomaaliyeed.

1917067_764800080290563_7942730975580963753_nMa jiraan ha’aydo dowli ah oo la xisaabtama qaramada midoobay iyo deeq bixiyaasha guud ahaan, waxaase jira in mar walbo shacabka Soomaaliyeed iyo dowladda federaalka ah lagu sifeeyo in aay yihiin kuwa ugu musuqa badan adduunka, iyadoo loo isticmaalo hay’ad kale oo ka mid kuwa qaramada midoobay ee loo yaqaan UNSEMG.

Madaxa xafiiska Madaxweynaha ee deeq bixiyayaasha ayaanan ku dhicin in uu wax ka sheego ama dhaliilo hay’adaha qaramada midoobay. Ninka oo lagu magacaabo Axmed Ceynte ayaa mar u soo shaqeeyay hay’adda qaramada midoobay (UN), kaddibna shaqadiisa ku waayay markii uu sheegtay in uu ka soo baxay ilaa shan (5) jaamacadood oo been abuur ah. Haddaba nin aay kusoo raacdeeyeen in uu ka been sheegay waxbarashadiisa kuma dhaco in uu ka horyimaado. Halkan ka akhri taariikhda madow ee Axmed Ceynte. (Halkan Riix)

Shirka madasha ayaa ujeedkiisa ugu weyn waxa uu ahaa sidii go’aan loo wada dhan yahay looga qaadan lahaa aaya katalinta iyo masiirka siyaaseed ee Soomaaliya sanadka 2016 iyo qaabkii aay noqon lahayd doorashada ayaa wadadiisii laga leexiyay.

Sharciyan waxaa aay ahayd in Baarlabaanka JFS uu hoggaanka u qabto wax walbo oo ku saleysan sharci iyo in maamuus loo helo doorashada 2016. Balse waxaa si ula kac ah u xaqiray maqaamkii baarlabaanka JFS ergeyga gaarka ah Nicholas Kay oo garab ka haysta madaxweynaha JFS. Waxaa iyana xusid mudan, shaqsiga ugu horreeya ee danbi qaran galay in uu yahay guddoomiyaha baarlabaanka JFS Maxamed Cusman Jawaari, kaasoo baarlabaanka u afduubay madaxweyne Xasan Sheekh iyo xulafadiisa intii uu ka ordaayay Sharif Xasan.

Haddaba shirka madasha oo laga soo saaray bayaan aanan la garaneyn qaab loo micneeyo ayaa waxaa lagu ballamay in shirka markale dib la isugu yimaado iyadoo lagu qanciyay Hoggaamiyaha Kooxda Raaskambooni Axmed Madoobe in lagu qabto Kismaayo bisha danbe 10. Iyadoo ujeedka ugu weyn ee laga lahaa uu ahaa in Axmed Madoobe uu ka soo dego lagana soo reebo Cabdiwali Gaas.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com