XASAN oo hadal yaab leh ku duray Somaliland.!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud, oo soo xeray shirweynaha dhalinyarada ee ka socday magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arimo dhowr ah oo dalka Soomaaliya quseeya.

Ugu horeyn wuxuu ka hadlay sad bursi lagu sameeyay dhalinyarada Somaaliyeed eek u sugan gudaha dalka, isaga oo sheegay in wararkaasi uu maqlay laakiin aysan aheyn arin haboon oo looga gudbi karo midnimo.

Madaxweyne Xasan Sheikh wuxuu sheegay in ummada Soomaaliyeed marka ay maqlaan midnimo iney kaliya soo xasuusanayaan Somaliland, laakiin arinta ay ka weyn tahay Somaliland.

“Midnimo haddii la yiraahdo dadka ugu badan waxay soo xasuustaan Somaliland, balse sidaasi ma ahan, beryahan waxaan maqlayay nux nuxda dhalinta dhexdeeda, waxaase haboon in midnimada laga shaqeeyo”ayuu yiri madaxweynaha.

Dhinaca kale wuxu soo hadal qaaday shirkii ugu dambeeyay ee siyaasada ee kusoo dhamaaday Muqdisho, isaga oo sheegay in qof walbaa uu ku doodayay fikrada la saxan, ugu dambeyse la isku fahmay waxa u wanaagsan ummada Soomaaliyeed.

Wuxuu sidoo kale shaaciyay in sanadka soo socdo uu kaga eg yahay waqtiga uu xilka madaxweyne haynayo, wuxuuna si sarbeeb ku dheehan tahay fariin ugu diray siyaasiyiinta doonaya mar walbaa iney iska joogaan mansabka siyaasadeed oo ay mar gaaraan.

“Siyaasiga haddii uu doonayo inuu sii shaqeeyo oo dowladnimada uu kasii mid ahaado lagama doonayo inuu dalbado muddo kororsi taasina ma dhaceyso , aniga September 2016 waqtiga wuu iga dhamaaday, waan sii joogaa af ma aha, wan rabaa inaan sii joogo laakiin waa inaan ka shaqeeyaa sidii aan kusoo laaban lahaa”

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com