Shariif Xasan oo sheegay arrin aysan Soomaalida iyo B/Caalamka ‘aqbali karin’

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa galabta hadal ka jeediyay shir jaraa’id oo ay qabteen madaxda Madasha Xisbiyada Qaran, kaas oo ay uga hadleen xaaladda siyaasadeed ee dalka, iyagoo eedeymo badana u jeediyey hoggaanka dowladda federaalka.

Shariif Xasan ayaa sheegay in waligeed aysan dhicin intaan oo kale in dalku uu ra’iisul wasaare la’aan uu ahaado, kaaga darane waxa uu nasiib darro ku tilmaamay in baarlamaanku uu maalin kasta ka doodayo sharciyo ay u soo gudbisay xukuumadii ay rideen.

“Arrintaasi waxay muujineysaa inaan loo baahneyn sharciga, hadii madaxweyne Farmaajo uu sharciga ku tumanaayo, runtii taasi mid loo dul-qaadan karo maahan, umadda Soomaaliyeed iyo beesha caalamkuna taas ma qaadan karaan,” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka Madasha Xisbiyada Qaran Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Waxa uu sheegay inay sharci darro u arkaan wax kasta oo ka soo gudbay golaha xukuumadda wixii ka dambeeyay 25-kii July, markaas oo baarlamaanka Soomaaliya uu codka kalsoonida kala noqday xukuumadii ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.

“Dalka in sharci darro lagu hoggaamiyo, weliba ninkii madaxweynaha ahaa ee sharci dhowraha sheeganaayey uu sharci darro sameynayo, waa arrin nasiib darro ah,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay inay ku talinayaan in dalka loo soo magacaabo xukuumadda hoggaamisa, xattaa hadii waqtigii doorashada ay maalin kaliya ka dhimantahay aan laga maarmeyn xukuumad.

Hoos ka Daawo