Yuu Sheekh Cabdulxayi la xiriiriyey falalka kufsiga ee kusii kordhaya Soomaaliya?

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Cabdulxayi Sheekh Aadan oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed ayaa si kulul uga hadlay falalka Kufsiga oo maalmihii lasoo dhaafay kusoo batay qaar kamid ah gobolada dalka.

Sheekh Cabdulxayi ayaa ugu horeyntii falalkaasi ku sifeeyay kuwo waxshi-nimo ah oo kasoo horjeeda Diinta Islaamka iyo dhaqanka suuban ee Soomaaliyeed.

Wuxuuna markii ugu horeysay falalkaasi la xiriiriyey ‘gacmo shisheeye’ oo ka baxsan Soomaaliya, wallow uusan faah-faahin rasmi ka bixin, balse uu ku gaabsaday inay gacan ku leeyihiin dad kale oo ajaanib ah.

Sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyey inay muhiim tahay in falalkaasi lagu sameeyo baaritaano qoto dheer, isla markaana sharciga la mariyo dadka ka dambeeya falalkaasi.

Sheekha ayaa waxa uu carabka ku adkeeyay in dhacdooyinkaasi la xiriira kufsiga carruurta yar-yar ay yihiin kuwo ku cusub Soomaaliya, isla markaana ay waajib tahay in dowladdu ay sameysayo baaritaano dheereed ah.

Ugu dambeyntii waxa uu hoosta ka xariiqay haddii wax laga qaban waayo dadka geysanaya falalkaasi ay dhibaatooyin hor leh ka dhalan karaan.