Shariif Xasan oo xaalada ay ku xun tahay iyo xildhibaano ku dhawaaqay in…

Baydhabo (Caasimadda Online) – Xildhibaan Dhubad oo ka tirsan Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in sharcidaro ay tahay oo aan lagala tashan Xildhibanaada isku shaandheyntii dhawaan uu sameeyay madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheikh Aadan.

Wuxuu sheegay Xildhibaan Dhubad in Qodob ka tirsan Dastuurka maamulka K/galbeed uu Xadgudug ku sameeyay madaxweynaha maamulkaasi Shariif Xasan Sheikh Aadan.

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa hoosta ka xariiqay in markii horaba uu sharcidaro kursiga ku yimid madaxweyne Shariif Xasan oo aan soo dooran Xildhibaanada,taasina ay sababeyso in madaxweynaha uu talaabo sharcidaro ah uu qaado.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa dhawaan isku shaandheyn ku sameeyay Golihiisa Wasiirada taasi oo ka careysiisay qaar ka mid ah Xildhibaanada maamulkaasi.

Waxaa jira kulamo gaar gaar ah oo ay leeyihiin Beelaha dega deegaanada Koonfur galbeed oo ka socda magaalada Baydhabo,waxaana kulamadaasi ay yihiin kuwo lagu diidan yahay hanaanka maamul ee Shariif Xasan Sheikh Aadan.

Doorashada Shariif Xasan waxaa gacan libaax leh ku lahaa madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamud ka dib rabshado dhiig badan ku daaday oo ka dhacay magaalada Baydhabo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com