Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo dhowr saac ku bahdilnaa Garoonka Garoonka Diyaaradaha Joma Kenyatta ee magaalada Nairobi, ayaa bahdilkiisa xili danbe u sameeyay mar marsiyo.
Ra’isul wasaare Cumar oo bahdilkaasi ay wax ka weydiyeen qaar kamid ah xubnaha Golaha wasiirada oo xiriir la sameeyay ayaa waxa uu Sharmaarke sheegay in Dowlada Kenya aysan laheyn khalad balse uu khaladku ahaa dhankooda.
Sharmaarke waxa uu Xubnahaasi xiriirka la sameeyay kana danqaday ficilka Kenya uu u sheegay in isaga iyo Wafdigiisa ay qaab khaldan kusoo galeen Hawada Kenya, islamarkaana aysan soo marin garoomadii ka horeeyay Joma Kenyatta ee lama gudbaanka ahaa.
Sharmaarke waxa uu sidoo kale sheegay in Khaladka labaad uu ahaa in Dowlada Somalia aysan Kenya ku wargalin in Wafdi heer sare ah uu taransiid ku yahay Garoonkooda, Kenyana ay ka carootay ogeynsiin la’aanta iyada oo sabab ka dhiganeysa khalkhalka ku imaankara amaankooda mudada ay Garoonka ku sugan yihiin.
”Ma jecleysan wixii ka dhacay Joma Kenyatta hadana waxaan aaminsanahay in cilada ay aheyd mid ka timid dhankeena waayo ma jirin wargalin, waxaan sidoo kale baalmarnay garoon nalagu amray inaan ku hakano”
”Is jiid-jiid kadib Kenya wey garwaaqsatay ficilkeeda waxaa nala soo xiriiray mas’uuliyiin badan oo naga raali galiyay mana jirin sabab aan ku diidno raali galintaasi”
Ra’isul wasaare Sharmaarke waxa uu sidoo kale dafiray i mudada ay ku sugnaayen Garoonka Joma Kenyatta, ay bahdil gaar ah kala kulmeen laamaha amaanka markii laga reebo amar lagu siiyay inay dib ugu laabtaan Garoonka Aadan Cadde.
Si kastaba ha ahaatee, bahdilkaani ayaa kusoo beegmaaya xili Dowlada Somalia iyo Kenya uu ka dhexeeyo Siyaasado isdiidan oo salka ku hayo awoodaha ka dhashay boobka Badda Somalia.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

