Sheekada bajaajlihii la dilay maanta: Cayaaryahan si dhib ah ku helay bajaajta

Muqdisho (Caasimada Online) – Deeq Fooley Cabdullahi Baaslaawe oo ahaa Bajaajle ay maanta ciidamada  dowladda ku dileen Howl-wadaag waxaa uu ahaa cayaar-yahan.

Sida uu sheegay guddoomiyaha kooxda Geeska Afrika Abuukar Maxamed Cabdulle Safana, Deeq oo ahaa 24 jir, aabihiis ayaa sanadkan u iibiyey Bajaaj isaga oo ku dhahay deyn ayey kugu tahay!

Safanaa ayaa intaasi raaciyey in Deeq uu fasax ka qaatey kooxda kasi uu isaga mago deynta Bajaajta, laakin waxaa dilay ciidamada dowladda.

Deeq oo 24 jir ahaa waxaa dhalay Fooley Cabdullahi Baaslaawe oo ah reer caan ku ah sameynta xalwada, aabaha oo dhaxal helay ayaa wiilkiisa u iibiyey Bajaajta, kuna dhahay shaqeyso oo lacagta iska soo celi.

Dhinaca kale, dibad-bax ay mootaaleyda sameeyeen kadib dilka waxaa ugu yaraan ku dhintay 5 qof halka ugu yaraan 10 kale ku dhaawacmeen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com