“Sheekada Muqdisho ka dhacday ayaa Cadaado, Kismaayo & Baydhabo ka dhaceysa” Waxaa yiri..

Muqdisho (Caasimada Online) – Salaad Cali Jeele, ookamid ah siyaasiyiinta ku sugan magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay shirkii madasha wadatashiga qaran ee shalay kusoo dhamaaday magaalada Muqdisho.

Salaad, ayaa soo dhaweeyay kaliya hal qodob oo kamid ahaa 10 qodob ee laga soo saaray shirkii shalay soo dhamaaday, kaasi oo dhigayay in wax muddo kororsi ah la sameeyo marka la gaaro sanadka 2016.

Dhanka kale wuxuu arin aan suuro gal aheyn ku sheegay iney tahay in madasha wadatashiga lagu soo kobo kaliya masuuliyiinta sar sare ee maamul goboleedyada iyo dowlada Federaalka Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in qaar kamid ah axsaabta siyaasadeed ee dalka aan laga qeyb galin shirka dhacaya, wuxuuna cadeeyay in waxyaabaha kasoo baxaya shirarka dhacay ay yihiin kuwo madaxweynayaasha ku kooban.

Dad kooban ayuu sheegay in lagu kulmiyay magaalada Muqdisho, sidaasi si lamid ahna dad kooban la geyn doono magaalooyinka Kismaayo, Cadaado, Baydhabo iyo Garowe laguna tilmaami doono iney matalaan shacabka Soomaaliyeed, sida uu hadalka u dhigay siyaasiga.

Dad badan oo falanqeeya arimaha siyaasada ayaa dhaliilsan hanaanka madasha wadatashiga qaranka Soomaaliya ku doonayaan in lagu soo saaro go’aan mideysan oo sharaxaya qaabka doorasho ee ka dhaceyso dalka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com