Xog: Dhacdo ugub ah oo ka dhacday xafiiska CC

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo Xog Ogaal ah oo katirsan xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in sarkaal; ka tirsan Xafiiska Cumar C/rashiid lagu dhex dhaawacay xafiiska ra’iisul wasaaraha, kadib marki rasaas lagu riday sarkaalka.

Dhaawaca sarkaalka ayaa ka dambeeyay markii askari ku sugan xafiiska ra’iisul wasaaraha iyo Sarkaalka la dhaawacay ay murmeen, taasi oo dhalisay in askariga uu rasaas ku furo sarkaalka xafiiska Cumar C.rashiid ka tirsan.

Sarkaalka ayaa magaciisa lagu sheegay Cabdi Yaasiin, waxaana la sheegay in rasaasta ay kaga dhacday qeybaha sare ee jirkiisa, iyadoolagu baxnaaninayo isbitaalka Daarul Shifo ee magaalada Muqdisho.

Xaalada Cabdi, ayaa la sheegayaa ineysan wanaagsan oo ay liidato sida laga soo xigtay xubno ka tirsan ehelka Cabdi Yaasiin oo saxaafada la hadlay.

Xogta aan heleyno ayaa sheegaysa in Cabdi Yaasiin uu horay usoo noqday taliyaha ciidamada ilaalada ka ah xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, waxaana durba la sheegay in askariga dhaawaca geystay ay xireen ciidamada amaanka dowlada.

Masuuliyiinta Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Somaliya weli kama aysan hadlin dhacdadaan lagu dhaawacay Sarkaalka ka tirsanaa Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Somaliya.

Arintaan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo Ra’iisul Wasaaraha Somaliya uu safar dhanka dibada ah ku maqan yahay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com