Xog: Xasan Sh. iyo Nicholas Kay oo wada qaatay kulan ay ku kala gudoomayeen qoraallo SIR ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilka gaarka ah ee Qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha Somalia Amb. Nicholas Kay, ayaa Villa Somalia kulan kula qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somalia Xassan Sheekh Maxamuud.

Kulanka oo ahaa mid ay banaan joog ka ahaayen Mas’uuliyiinta kale ee Dowlada ayaa waxaa Xassan kulankaasi lagala hadlay arrimo gaar ah oo ay kamid ahaayen qodobadii kasoo baxay Shirka wadatashiga iyo inaan la baalmarin heshiiska lagu galay goorta ay dhaceyso doorashada dalka ee ku qeexan dastuurka Somalia.

Amb. Nicholas Kay ayaa la tilmaamayaa in inta uu kulanka socday Xassan Sheekh ku wargaliyay in wakiilada beesha caalamka intaa ka badan aysan u dulqaadan doonin in DF ay ka beyrto sharciyada u degan, waxa uuna ku cadaadiyay in durbaba wax laga dareemo heshiiska dhacay.

Beesha caalamka ayuu sheegay inaysan diyaar u aheyn in faragalin ay ku sameyso amuuraha Somalia xiliga la joogo, balse taasi ay ku suuragali karto Dowlada oo dhaqan galiso heshiiskii dhacay.

Kay waxa uu kulanka kadib Madaxweyne Xassan gudoonsiiyay warqado ku jiray bashqad weyn, taasi oo la sheegay inay ku qornaayen qoraalo gaar ah.

Si dhab ah looma oga waxyaabaha ku qoran warqadahaas, balse warar hoose ayaa tibaaxaya inay ku qorneyd awaamir lasiinayay DF Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com