Xog iyo Gorfeyn: 2016-ka waa dagaal ma huraan!

Dalka oo uusan sharcigiisu shaqeeynayn waa tilmaan muujineysa dib u soo noqoshada dagaal sokeeye. Jidadka waaweyn ee magaalomadaxda dalka oo la kala xirto waa saadaalin saansaan coladeed. Burburka hayadaha dowladda ee sharci dejinta iyo dhowrista ku dhaqanka dastuurka waa calaamooyin ifinaya in xoog wax lagu xalinayo. Dib u gurashada ciidamada AMISOM oo u muuqata xeelad dagaal oo la xiriirta cabsida laga qabo in dagaal uu ka qarxo Muqdisho. Amusnaanta bulshada caalamka oo loo fasirtay iney ku wareersan tahay tilaabooyinka ay qaadi doonto ama doorka ay ka qaadan doonto dagaalka soo bidhaamaya.

Soomaaliya waxaa 2012 ka dhalatay dowlad hogaan xun. Shacabka Soomaaliyeed waxey rajoxumo ka muujiyeen madaxda hogaamineysa dalka, waxeyna niyadjab ka muujiyeen hiigsiga 2016ka iyo doorasho ku sheega dhici doonta. Shacabka Soomaaliyeed waxey aad uga naxeen madaxda hadda joogta oo hogaaminta dalka ku fashilmay oo haddana dib ugu sharaxan iney xilalkooda dib ugu soo noqdaan, taas oo loo fasirtay iney tahay wakhti kororsi si dadban loo qorsheeyey. Waxaa guuldareystey isku day badan oo loo soo jeediyey madaxweynaha inuu si nabada xilka uu ku guuldareystay uu isaga casilo.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xildhibaanada baarlamaanka waxey u soo jeediyeen eedeymo culus oo ah inuu dalka qiyaanay, hanti badana u dalka ka musuqmaasuqiyey. Xildhibaanada soo eedeeyey madaxweynaha waxey u badan yihiin kuwo si hoose ula soo shaqeeyey oo haya cadeymo muujinaya xatooyo xoolo dadweyne iyo gelida qiyaano qaran oo salka ku haysa heshiisyo qarsoodiya oo u dalka geliyey. Jawaabcelinta eedeymahaas waxey noqotay burburinta sharciyada u degsan baarlamaanka iyo caburinta siyaasiynta mucaardka ku ah iyo xirida saxaafada xorta ah.

Gudoomiyaha baarlamaanka ayaa horistagey in eedeyntii madaxweynaha aysan u gudbin maxkamadii baari lahayd iyo in baarlamaanku uu ka doodo eedeymahaas, taas oo noqotay mid baarlamaanka ka dhigtay inuusan xeerarkiisa ku dhaqmin. Tilaabadaas waxey horudhac muuqata u noqotay hagarta iyo dibandaabyada qarsoon ee lagu awoodtirayo xildhibaanada iyo golahooda baarlamaanka ee loogu talagalay ka hor doorashooyinka lagu hiigsanayo 2016ka. Haddiiba talooyinka lagu maamulayo baarlamaanka laga soo qorsheynayo madaxtooyada maxaa u dhiman oo ay sugayaan xildhibaanada baarlamaanka.

Madaxweynaha oo aan heysan kalsoonida shacabka iyo xildhibaanada matelaya qeybaha kala duwan ee bulsho weynta Soomaaliyeed, haddana ku eedeysan qiyaano qaran iyo xatooyo xoolo dadweyne ayaa ku sifoobey tuko cambaareysan oo ceeb iyo liidasho aan uga soo dhex muuqan karin matalaada shacabka Soomaaliyeed gudo iyo dibedba, waxeyse shacabka iyo caalamkuba ka argagexeen markii uu ku adkeystay inuu yahay musharax u taagan in dib loo soo doorto. Bulshada caalamka waxey joojiyeen iney qabilaan inta ama uu qiranayo ama uu iska mayrayo eedeymaha qeyb ka mid ah dowladiisu u soo jeedisey,waxeyna ka qaadeen xurmada uu dadkiisa ku matelayo shirarka caalamka.

Madaxweynaha oo shacabkiisa ku dhex ceebeysan, wejigabaxna kala kulmay bulshada caalamka ayaa maskaxdiisa weli waxaa ka dhex guuxaysa sidii uu xilka u kororsan lahaa, waxaana hawo beena geliyey xoolaha lagu eedeynayo inuu dalka ka dhacay iyo kooxo u abaabulan iney furtaan tuugada waaweyn, kuwaas oo isugu jira shisheeye iyo burcad Soomaaliyeed oo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhex milan sida siyaasda, ganacsiga, iyo bulshada rayidka. Dhawaqiisu wuxuu dhimbil dab ah ku noqday dadaaladii ay caalamku ugu jireen samatabixinta dowladnimada Soomaalida, waxaana dhowaan la filayaa in bulshada caalamka ay cadeyso mowqifka ay ka aaminsan tahay hadalkaas madaxweynaha oo laga yaabo jawaabtoodu iney noqoto iney soo bandhigaan eedeymaha loo soo jeediyey dhinacooda xogta ay ka hayaan oo ay xoog ku muquunin karaan maadaama hanti badan ay caalamka ka gashay Soomaaliya. Hantida lagu eedeynayo inuu musuqmaasuqay madaxweynaha waxey u badan tahay xoolo ay Soomaaliya ugu soo yabooheen deeqbixiyeyaasha caalamka, waana arrin si gaara u taabaneysa danaha bulshada caalamka iyo sumcadooda, shacabka Soomaaliyeedna ay ka sugeyso jawaabta ay ka bixiso oo ay marqaati ka noqdaan.

Madaxweynaha waxaa laga dhaadhacsiiyey in baarlamaanka si dadban u awoodiisa u kala diro oo rajo beena la geliyo gudoomiyaha baarlamaanka oo isku haysta inuu yahay madaxweyne ku xigeen dalka. Waxaa sidoo kale lagula taliyey inuusan xilka ka tanaasulin, kuna adkeysto doorashada soo socota in looga dambeeyo xulafadiisa madaxda ka ah maamulada beenta ah ee laga hirgeliyey gobolada dalka, waxaana sidaas loogu xaqiijiyey inuu noqonayo madaxweynaha Soomaaliya afarta sanno ee soo socota.

Waxaan xasuusta odorosxumadii ku dhacday madaxweynihii isaga ka horeeyey oo aaminey lacagta uu haysto iyo barnaamijka roadmapka oo uu garwadeenka ka ahaa iney isaga keliya u horseedeyso guul aysan jirin cid kale oo isaga kula looltami karta. Sida dhacday hantidii waa laga furtay, beentii shisheeyuhu ku akhriyeena way noqon weysey wax run ah, waxeyna dantu biday ceeb inuu dalka uga cararo isaga oo xatooyadii ku xoolo beelay. Raga Tuugada furta hindisahoodu waa xeelad badan yahay, waana ilko isku xiran oo seefa oo dibed iyo gudaba iskaashi ka leh, waxeyna fuliyaan dilal qorsheysan, boob hanti, iyo hanjabaadyo ay ku meelmarsadaan danahooda.

Qaabka doorashada 2016ka ayaa la isku maandhaafsan yahay, kuwii maskaxda u ahaa dulmiga lagu soo curiyey hanaanka 4.5 ayaan weli quusan oo daneynaya in hanaankaas lagu sii socdo, waxeyna indhaha ka dedenayaan fashilkii lagala kulmay ku dhaqankiisa oo maanta horseeday inta tirada yar iney codkooda gataan, dalaalna u noqdaan kuwa codkoodu misaanka culus uu leeyahay. Habdhaqankaas wuxuu sababay guuldarrada afar hogaamiye iyo toban raisulwasaare oo isqabqabsigooda aan waxqabad muuqda laga dhaxlin. Qolooyinkan ku soo aflaxay doorashooyinkii Carta waxaa dhuuxooda iyo dhiigooda ku sumoobey fikirka ah in dowladnimada hab qabiil oo kala sareeysa loo qeybsado, loona kala xishoodo sida loo kala awood weynyahay intii xoog la isku maquunin lahaa.

Bulshada caalamka oo ah mid meel soo dhigatay qorshaheeda ay u diyaarsatay doorashada 2016ka ayaa roadmapka loo mari lahaa meelmarinta hindisahooda soo bandhigi doonta bilowga sannadka 2016ka, waxeyna diyaarsatay ciidamo magaca UNka ku shaqeynaya oo ay isku difaacdo haddii xaaladu ay gasho barakabeel. Bulshada caalamka sida ay uga walaacsan tahay kooxda xukunka madaxtooyada Soomaaliya haysta ugama welwelsana kooxda xagjirta ah ee hubeysan, waana taas mida dhalisay in ciidamo gaara oo UNka ah lagu soo kordhiyo kuwa hadda jooga, waxaana sirtaas tilmaan ka bixiyey Ingriiska oo ku yaboohay ciidan kooban oo dagaal la geli kara kooxaha maleeshiyaadka dowladda oo qaab ciidan ahaan u abaabulan.

2016ka waxaa ka soo bidhaamaya Soomaaliya colaad ay abaabulayaan koox-diimeedka talada dalka isku koobay, kuwaas oo horseedaya in sharciyada dalka u degsan ineysan shaqeyn, dalkana ay geliyaan mugdi siyaasadeed oo ay ka dhalato in dib loogu noqdo dagaalkii sokeeye. Waxaa hadda sii kala tegeya baarlamaanka, waxaa dalka ku soo badanaya faragelinta Itobiya, Masar, iyo Talyaaniga, waxaa dalka dib uga curanaya isdifaac ku saleysan dib isku hubeyn iyo hub urursi, waxaana xiga isxulafeysi hubeysan oo ka soo horjeeda qorshooyinka koox-diimeedka talada dalka haysta, kaas oo laba wejiba dagaalkoodu ku fidayo: Hab qabiil iyo hab koox-dimeed. Dagaalkaas waxaa sii murjinaya kooxaha burcada iyo xagjiriinta ku xiran bariga dhexe oo dagaalka la safanaya kooxahaas mid ka mida oo horayba ay u socotey wadashaqeyn dhexdooda ah.

Madaxweynaha Soomaaliya wax u dhowrsan oo ceeba ma jirto intii u iscasili lahaana wuxuu ka doorbidayaa in dalka dagaal sokeeye uu geliyo, laakiin waxaa hubaala, ama ha ku dhawaaqo inuu kororsanayo xilkiisa si toos ah ama uu si dadban doorasho ku sheeg xilka ku kororsanayo, inuu isaga iyo kooxdiisa ay soo foodsaareyso dagaal aan looga heybeysan doonin shisheeyaha u qiyaanada qaran la galay iyo burcadda hogaankiisa xaaraanta ugu naaxdey oo dalka u horseedeysa burbur reebta aafo weyn. Shacabka Soomaaliyeed marna ma aqbalayaan xaraanta ay heshiiska ku yihiin kooxdaas, gudoonka baarlamaanka, iyo shisheeyaha dalka dowladnimadiisa duminaya.

Xisbiga Dadka wuxuu u soo jeedinayaa xildhibaanada ay ku dambeyso dareenka wadaninimo iney xilalkooda iska casilaan oo baarlamaanka loo baneeyo kuwa ay ku weyn tahay iney dalkooda qiyaanaan. Waxaa sidoo kale loo soo jeedinayaa in cadeymaha lagu eedeynayo madaxweynaha ay u soo bandhigaan shacabka mar haddii la waayey sida sharcigu qabo maxkamad ka dhegeysata dacwadooda. Mar Haddii uu meel mari waayey mooshinka ay soo jeediyeen oo sharcigii dalka u degsanaa la dhinac maray ma muuqato sharciyada hadda kadib la dejinayo micnaha uu yeelan doono iyo in lagu dhaqmayo si waafaqsan sharciga dalka u degsan. Waxaan shaki lahayn in xisbiyo badan oo siyaasadeed ay isku rogi doonaan kuwo hubeysan oo ka soo horjeeda damaca ay ku kororsanayaan xukunka koox-dimeedka talada dalka mariinhabaabisay. Haddii uusan xaalka jira tanaasul ka keenin madaxweynuhu waxaan hubaa in hiigsiga 2016ka uu dalka ku soo kordhin doono dhiig badan oo daata. Doorashada lagu hiigsanayo 2016ka waxaa si weyn door dhibaato badan uga qaadanaya kooxo sharwadayaala oo ka kooban shisheeye iyo Soomaali. Kuwaas oo ujeedooyinkooda ay u kala jeedaan jihooyin kala duwan, waxeyse wadajirka shartoodu ay dalka u geysaneysa dhibaatooyin baaxadoodu ay gaarsiisan tahay inaan laga soo kabsan karin waxyeeladooda wakhti dheer. Kooxaha Soomaaliyeed oo dhaqanka cadawtooyo ka wada wadanka gudahiisa waxaa ka mid ah:

Taloxumayaasha koox-dimeedka madaxtooyada oo uu korkacayo madaxweynaha uu hogaankiisu liito; Kooxda biiriqaatayaasha baarlamaanka oo uu horkacayo gudoomiyaha baarlamaanka; Koox-dimeedka hubeysan oo hagjirka ah, kana soo horjeeda dowladnimada Soomaaliyeed iyo qawaaniinta caalamka u degsan; Kooxo ganacsato burcada oo hogaanxumada dalka awgeed booba hantida dadka iyo tan dalka; kooxda qabqablayaasha cusub oo maqaarsaar madax ugu ah maamulada gobolada dalka; Kooxaha ka macaashay afduubka iyo burcadnimada badda; kooxo wakiilo u ah danaha wadamada shisheeye oo qaab sirdoona dalka uga ganacsada, qandaraasyo lagu naasnuujinayana si gaara uga macaasha; iyo kooxo isku uruursaday heybta beelaha oo afduubtay maqaamkii madaxda beelaha Soomaaliyeed, kuwaas oo maslaxadii shacabkooda ku dhaafsada lacag yar ama deeq waxbarasho ama jagooyin loo siiyo ilmahooda.

Kooxaha shisheeyaha oo qaranimada Soomaaliyeed dhextaalka ku ah waxaa ka mida: Kooxaha ku adeegta la dagaalanka argagixisada ee uu horkacayo Mareykanka; Kooxaha qiilka ka dhigta la dagaalanka buracd badeeda oo uu horkacayo Ingriisku; Ciidamada AMISOM oo ay sida gaarka ah u maalgashato Midowga Yurub; Kooxda IGAD oo ay garwadeenka ka tahay Itoobiya, kooxaha ay ku mideysan yihiin wadamada Khaliijka oo dalka ku qarqiyey afkaaro xagjirnimo; kooxaha danleyda ah oo ay horkacayaan ururada samafalayaasha caalamiga; iyo kooxaha deeqbixiyeyaasha oo ay horboodeyso Qaramada Midoobey.

Xisbiga Dadka wuxuu shacabka Soomaaliyeed u soo jeedinayaa iney qeyb xoog leh ka qaataan dadaalada iyo halganka dib loogu soo celinayo dowlada Soomaaliyeed oo madaxbanaan oo ismaamulideeda u madaxbanaan. Haddii dhegaha laga fureysto talasoojeedinta baarlamaanka, siyaasiyiinta madaxbanaan, iyo talooyinka caalamka hor u socodka ah, waxaan la hureyn oo ugu dambeynta xalku ku soo biyo shuban in loolanka doorashooyinka ay isku rogaan loolan hubeysan ee xeelad dagaal loogu kala baxayo. Waxa keliya oo halistaas dalka ka badbaadin karta waa madaxweynaha oo u tanaasula maslaxda dalka, iskana casila hogaanxumada uu ku fashilmay. Sida muuqata talooyinkaas waa uu ka diidey Soomaalida, waxa dhiman waa bulshada caalamka oo codkeeda ku soo biirisa shacabka Soomaaliyeed.

W/Q: Dr. Saciid Ciise Maxamud

Gudoomiyaha Xisbiga Dadka

saciidciise258@aol.com

Maine, United States of America

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid