Xasan oo amray Gaas, Shariifka iyo A/Madoobe

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa sheegay in Madaxda Maamul goboleedyada Dalka ee Muqdisho ku sugan iney talada Qaranka qodobada ka soo baxa gaarsiiyaan deegaanada ay ka taliyaan ama ay ka yimaadaan.

Waxa uu tilmaamay in aysan jirin cid laga yeelayo iney talada keligood isku koobaan oo aysan gaarsiin shacabka deegaanadooda.

Madaxweynayaasha kala duwan ee ka socdo maamul goboleedyada ayuu sheegay in loo baahan yahay in talada ay gaarsiiyaan dadka ku dhaqan deegaanada maamulkooda uu ka arimiyo.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay iney muhiim tahay in talada Qaranka lala wadaago shacabka ku nool gobolada Dalka gaar ahaan deegaanada ay ka jiraan Maamul goboleedyada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hadalkaani ka sheegay in ka dib markii uu Muqdisho ku soo xeray Shirkii Madasha wadatashiga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com