Sirta ciidamada DFS oo halis ugu jirta in la helo!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Aqoonyahan Shariif Roobow oo qabiir dhanka amniga ah ayaa sheegay in xilligaan aanay habooneen in dowladda Federaalka Soomaaliya ay dal shisheeye weydiisato inay bixiyaan mushaarka ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.

Heshiiskii dhawaan dowladda Federaalka ay magaalada Muqdisho kula gaartay dowladda Imaaraadka Carabta ee ahaa bixinta mushaarka ciidamada ayuu ku sheegay mid xilligaan laga haboonaa.

“Aniga ma qabin in wadan shisheeye uu bixiyo mushaarka ciidamada dowladda, sababtoo ah ciidanka waa meesha kaliya ee dowladi ka xooggan tahay, loona baahan yahay in dalalka kale aanay ogaan tirada ciidamadaada iyo awoodooda inta ay la egthaya, sirta ciidanka ma qarsana hadii dal shisheeye mushaarkooda uu dhiibayo, waayo waxaa la doonayaa xisaab celin, marka xisaab la celinayana waa qasab in tirada askarta mushaarka qaadatay la ogaado” ayuu yiri Aqoonyahan Roobow.

Dhinaca kale aqoonyahankaan ayaa sheegay in dowladda ay ciidanka mushaarkiisa ka bixin karto canshuuraha dalka sida Dekaddaha iyo garoomada.

“Dowladda iyadaa ku filan bixinta mushaarka ciidamada, waayo canshuur ayaa laga qaadaa dekadda iyo Garoonka, waxaa la heli karaa siyaabo kale oo mushaarka ciidamada lagu maareeyo” ayuu hadalkiisa ku daray Shariif Roobow.

17-kii bishaan October ayaa magaalada Muqdisho waxaa heshiis ku kala saxiixday dowladda Soomaaliya iyo dowladda Imaaraadka Carabta, kaasi oo ku aadan mushaar siinta ciidamada dowladda Federaalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com