Sheekh Cabdi Xayi oo ka hadlay sababta khudbadihiisa ay soo jiitaan dadweynaha

Khudbadaha Sheekh Cabdi Xayi Sheekh Aadan oo kamid ah cullimada Soomaaliyeed ee Magaalada Muqdisho ayaa muddooyinkii dambe qabsaday baraha bulshada, khudbadahaas oo dad badan soo jiitay, aadna looga hadal hayo baraha bulshada.

Sheekh Cabdi Xayi oo inta badan khudbadaha uu jeediyo maalmaha salaadda Jimcaha la duubo, ayaa waxaa la soo dhigaa baraha bulshada, taas na ay keentay in dad badan ay xiiseeyaan qaabka uu uga hadlo waxyaabaha markaas ka taagan dalka iyo sida uu gaar ah isu waafajiyo shareecada Islaamka iyo qaabka aftahannimada ee uu dadka ugu gudbiyo.

“Dabcan aniga khudbada aan dadka u jeediya waxaan marwalba ku saleeyaa dareenka dadka iyo waaqica markaas horyaalla, khudbadana aslan waxaa loogu talo galay dada isu imanaya maalinta Jimcaha ee toddobaadka iyo in wixii dantooda ah oo noolashooda la xiriira loo sheego, marka anigu sidaas ayaa ku saleeyaa khudbadda oo waxaan eegaa maanta maxay ummadda u baahan tahay, haddii ay ahaan lahayd arrimo bulsho, marka waxaa laga yaaba in dadka ay daneynayaan qeybta dareenkoooda la hadleysa oo ay xiiseynayaan”, ayuu yiri Sheekh Cabdi Xayi oo la hadlay BBC-da.

Waxyaabaha dadka isticmaalla baraha bulshada sida gaarka ah u soo jiitay ee u Sheek Xayi ka hadlay waxaa ka mid ah:

  • Khilafka mamaul goboleedyada iyo dowladda faderaalka
  • Dastuurka iyo diinta Islaamka
  • Mucaaaradada
  • Muranka badda Soomaaliya iyo Kenya

Sheekha wuxuu sheegay in labada khudbad ee mimbarka salaadda jimcaha uu luuqadda Carabiga ku akhriya, kadib marka salaada laga baxana uu Afsoomaali ku fasiraa khudbadda.

Khudbadda qeybta Soomaaliga ayuu sheegay in dadka ay aad u daneeyaan, maadaama khudbadaha uu jeedinayo iyo tusaalooyinka uu u soo qaadanayo ay yihiin kuwa inta badan la xiriira xaaladda Soomaaliya, wuxuuna sidoo kale sheegay in baahida ka dhex jirta bulshada ay ku dhalisay in uu jeediyo khudbado noocaas oo kale ah.

“Dabcan waxaa igu dhaliyay markaan akhriyay qiirada iyo taariikhdii hore ee dadka Muslimiinta iyo farriinta misaajidka oo ah meesha ummadda laga hogaamiyo iyo meesha dadka ay aadka ugu xiran yihiin ayaa waxay igu dhalisay inay misaajidka uu yahay halka dadka laga hagaajin karo, marka waxaan go’ansaday in maalin walba oo jimca ah aan kala hadlo misaajidka”, ayuu raaciyay.

Dadka qaar ayaa khudbadaha Cabdi Xayi ka dhadhamiya in uu ku weeraro dadka siyaasad ahaan ka so horjeedo dowladda Soomaaliya, hasayeeshee waxaa uu sheegay in dad gaar ah uusan weerarin.

Wuxuu intaa ku daray in khudbadihiisa uu inta badan diiradda ku saaro mabaadi’da guud iyo khilaafaadka ka jira dalka.

Soomaalida qaar ee adeegsada baraha bulshada ayaa khdbadaha Sheekh Cabdi Xayi u adeegsada inay ku weeraraan shakhsiyaad ama siyaasiyiin gaar ah, kuwaa oo inta badan isku aadiya muuqaallada khudbadaha uu jeedinayo Cabdi Xayi iyo siyaasiyiin qaar.

“Marka aan baraha bulshada ku arko khudbadii aan Jimcaha jeediyay oo afkaarteeda ay ahayd mid caam ah ayaa waxaa dhaceysa mararka qaar in dad meelo gaar ah daneynayay ay ka dhex arkaan, oo ay cinwano cusub u sameystaan, taas aan ka hadlay”, ayuu ku daray.

Waxaa kale oo uu sheegay in uu yahay shakhsi dhexdhexaad ah, waxwalba oo uu ka hadlayana aysan ahayn wax dad loogu xaglinayo ama dad kale looga soo horjeedo, balse ay tahay mid khuseysa danta guud.

Khudbadaha Sheekh Cabdi Xayi ayaa caan ka noqday baraha bulshada, oo mowduucyada uu ka hadlo iyo qaabka uu u sababeeyo xaaladda ayaa soo jiidatay dad badan, muuqaladaas oo ay dadka ku wadaagaan baraha bulshada.

Xigasho: BBC Somali