Sherin Helal oo shaacisay guulo siyaasadeed oo ay S/LAND ku kordhisay Afrika

Asad Cabdullahi MataanBy Asad Cabdullahi Mataan

Hargeysa (Caasimada Online) ― Sherin Helal, oo ah Marwo khabiirad ah oo ka soo jeeda dhalasho ahaan dalka Masar, isla markaana taxliilisa arrimaha qaarada Afrika, ayaa todobaadkan waxay si gaar uga hadashay guulo siyaasadeed oo ay sheegtay inay Somaliland ku soo kordhisay qaarada Afrika.

Marwo Helal ayaa sheegtay in Somaliland ay guul la taaban karo ka gaadhay hanaanka dimuquraadiyadeed ee deegaanadeeda, iyadoona ka dhawaajisay habkii ay xilka iskugu wareejiyeen Madaxweynayaashii ku kala dambeeyay talada Somaliland.

Helal ayaa sidoo kale waxay sheegtay in Somaliland aysan weli helin aqoonsi caalami ah, balse ay leedahay dhamaan shuruudihii looga baahna dal madax banaan oo awood u leh inuu bixiyo xuquuqaha aasaasiga ah.

Sherin Helal ayaa qormadeedan oo ay cinwaan uga dhigtay ‘Tusaalayaasha siyaasadeed ee Afrika’ ayaa aheyd mid dheer oo ay ku daabacday wargeyska caanka ah ee Al-Ahraam, iyadoo ku qorneyd luuqada Ingiriiska, balse aynu soo turjumnay.

Hoos ka aqriso qormada Sherin Helal oo dhameystiran:

“Guusha ay gaadhay Jamhuuriyadda Somaliland ee goonida u goosatay iyo tusaalayaal kale waxay muujinayaan gaabiska hab fekerka siyaasadeed ee reer Galbeedku ka qabaan Afrika.

Halka ay Soomaaliya ka tahay dal Afrikaan ah oo ku caan baxay inay tahay tusaalaha ugu cad ee dal fashilmay iyo goobta dagaal ee ugu wayn qaaradda, dhinaca kale waxa u suurtagashay inay soo bandhigto qaab lagu dayan karo oo ah Jamhuuriyadda Somaliland ee is xukunta ee ku taal dhinaca woqooyi.

Aqoonsi caalami ah may helin, balse waxaay leedahay dhamaan shuruudaha dal awood u leh inuu bixiyo xuquuqaha aasaasiga u ah nolosha iyo wada jirka.

Dhamaan arimahani waa tusaalayaal ku qasbaya dadka faaqida siyaasaddu inay aqbalaan waxyaalaha gaarka ah ee Afrika ay ku soo kordhiso cilmiga siyaasadda.

Somaliland, Rwanda iyo Morocco waxay mid waliba soo bandhigtay hab gaar ah oo shacabku isku afgarto si ay u dhistaan nooc dawladeed, taas oo cilmiga siyaasadda, sida ay u qeexeen reer Galbeedu, aanu ogolayn inuu u aqoonsado dawlad wanaag.

Haseyeshee, tan iyo intii ay ku dhawaaqday madax-banaanida 1991kii, Somaliland waxaay ku shaqaynaysay nidaam maamul iyo mid siyaasadeed oo madax-banaan. Waxaay ku maamushaa xuduudeheeda bad iyo dhul ciidankeedaa qaran booliiska iyo hay’adaha amni. Iyada oo shacabkeedu yahay 3.5 milyan, waxaay xidhiidho aan rasmi ahayn la leedahay dawlado badan oo ergooyin u soo dira caasimadda, Hargeysa.

Itoobiya waxaay ku leedahay xafiisyo ganacsi Hargeysa, islamarkaana xidhiidhka labada dal waa mid meel heer sare ah jooga. Itoobiya waxaay sidoo kale ka samaysay tiro cusbitalo ah goobaha meeqaamka gaarka ah u leh ururada gobol iyo kuwa caalamiga ah.

Dalkan cusubi wuxuu ka dhashay isutanaasul siyaasadeed iyo mid qabiileed oo ay gaadheen dadka kuwada nooli, islamarkaana hogaamiyayaasha qabiiladu door muhiim ah ayay ku leeyihiin in laga hortago dagaalo qabiileed inay dhacaan.

Inkasta oo aan dalna si rasmi ah u aqoonsanayn, hadana Somaliland waxaay leedahay baasaboor u gaar ah oo dadkeedu ku tagaan dhawr dal, haseyeeshee dadka badankiisu wuxuu ku safraa baasabooro dalal shisheeye. Somaliland qayb ayay ka heshaa deeqaha loo qoondeeyo Somaliya, waxaayna ku leedahay wakiilo dalal dhawr ah.

Si ku duwan dalalka ku hareeraysan, waxaay ku guulaysatay in si nabad ah awoodda la isugu wareejiyo. Dhamaan madaxwaynayaasheedu waxaay awoodda ku wareejiyeen kuwa ka danbeeyey doorasho markay dhacday kadib. Dumarka waxa loo diyaariyay inay wakiilo ku yeeshaan Baarlamaanka oo waxa taas xoojisay kooto dastuurka ku astaysan oo dhan 30% kuraasta.

Midkoodna warbixinada Qaramada Midoobay ee doorashooyinka iyo warbixinada UNDP ee xuquuqal insaanka ma diiwaangelin tacadiyo waa wayn oo ka dhacay Somaliland, gaar ahaan marka la barbar dhigo xadigga tacadiyada ka dhaca Muqdisho.

Dagaalka sokeeye ee Soomaaliya wuxuu socdaa tobanaan sanadood, iyada oo intuu socday lagu sameeyey farogelino ciidan, kuwaas oo ka bilaabmay kii Maraykanka oo ay ka danbeeyeen kuwa ay sameeyeen Qaramada Midoobay, Midawga Afrika iyo wadamada IGAD ee Geeska Afrika.

Qadiyadda Soomaaliya waa mid dhif iyo naadir la arko, waxaana ka dhashay su’aalo in jawaabo loo helaa ay qaadan karto sanado badan. Waa fagaare ay ku barataamaan [wadamada] gobolka iyo caalamka oo u furan siyaasad, dagaal, dhaqaale iyo xitaa waxbarasho iyo sahamin [khayraad] taas oo dalal caalami ahi ay ku yeesheen cid u joogta iyaga oo wata ciidankooda, qalabkooda si ay u saameeyaan gobolka.

Laga soo bilaabo quwadaha waawayn sida Maraykanka ilaa dalalka Gacanka Carbeed sida Imaaraadka Carabta, quwado shisheeye ayaa farogelin ku hayay gobolka iyaga oo isticmaalaya lacag ama farogelin ciidan oo ay ku sameeyaan dagaalada.

Xitaa Turkiga ayaa qaatay go’aanka ah inuu cago dhigto [gobolka] taas oo u saamaxaysa inuu ku yeesho saamayn u muuqata inay tahay mid dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaan ba imbaradooriyad ah. Quwado aad u tiro yar ayaa ka maqan goobta, taas oo ka dhigaysa wax adag in meel la isugu keeno si dib u heshiisiin loo gaadho.

Duruufaha iyo sababaha kala duwa dalalku ku jiraan ma sharaxayso maqnaanshaha aqoonsi caalami ah marka loo eego meeqaamka siyaasadeed ee dalku hada ku sugan yahay. Ma sadaalin karno goorta aqoonsigu uu iman doono, sidoo kale wuxu noqon karaa mid soo dhaqsada oo aan raagin. Haseyeeshee, maqnaanshaha aqoonsigu wuxuu ku cadaadinayaa Muqdisho inay aqbasho danaha siyaasdeed iyo dhaqaale ee quwadaha caalamiga ahi ay leeyihiin.

Dhamaan arimahani waa tusaalayaal ku qasbaya dadka faaqida siyaasaddu inay aqbalaan waxyaalaha gaarka ah ee Afrika ay ku soo kordhiso cilmiga siyaasadda. Somaliland, Rwanda iyo Morocco waxay mid waliba soo bandhigtay hab gaar ah oo shacabku isku afgarto si ay u dhistaan nooc dawladeed, taas oo cilmiga siyaasadda, sida ay u qeexeen reer Galbeedu, aanu ogolayn inuu u aqoonsado dawlad wanaag.

Qadiyadda Somaliland waxay ku dhisan tahay nidaam u gaar ah oo xasilooni siyaasadeed iyo dhaqaale ah taas oo ilaa xad balaadhan gaadhsiisan, islamarkaana ka duwan dimoqraadiyadaha soo jireenka ah, haday tahay midda isu tanaasulka ku dhisan iyo ta kawada qayb qaadashada ku dhisan ba.

Tani waxaay dhacday iyada oo jilayaasha siyassadeed ay uga tageen riyada wayn ee Somaliland inay ku dhex dhacdo rabitaanka kooxo qoomiyado ku dhisan iyo rabitaanka quwadaha caalamiga ah.

Qadiyadda kale ee kor ku xusani waa ta Rwanda oo dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaan kor u kacday, iyada uu mudo rubuc qarni ah xukumayay hal nin oo dikteytar ah. Reer Galbeedku way mahadiyaan tusalaasha iyo tilmaamaha Rwanda ee loo naqshadeeyey inay cabiraan dimoqraadiyadda iyo xasiloonida siyaasadeed iyo horumarka dhaqaale iyo dad.

Qadiyada u danbaysa waa Morocco oo ah boqortooyo lagu tilmaamay inay tahay nidaam isku dhamaystiran, balse waa shacabka reer Morocco kuwa kursiga ku haya boqorka ee diidan farogelinta reer Galbeedka halka ay ka qayb qadanayaan si togan nidaamyada siyasadeed ee dalka.

Marka la eego arimaha siyaasadeed, waxaynu u baahanahay inaynu diyaar u noqono inay ixtiraamno nidaamyada siyaasadeed ee Afrika oo aynu qiimayn ugu samayno inaga oo ka duulayna duruufohooda u gaarka ah”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com