Gabre waxaa badalay Gareen

Qormadan waxaan ku dul istaagaynaa marxalada siyaasadeed ee Dalku maanta marayo, is riix riixa iyo laacdanka siyaasiyiinta, khilaaf ka madaxda heer Dowlad goboleed iyo heer federaal guud ahaan, gaar ahaana muranka jubaland iyo Dowlada dhexe kataagan.

Nin kastaaba wuxuu isku taxalujinayaa inuu tiisa meel mariyo, kan kasoo horjeedana uusan wax dabac ah umuujin, waana sababta ay ugu muuqato in lagu kala adkaado siyaasada mooyee in albaabadii kale xidhmeen.

Malahayga waxay maraysaa halkii qaryaan Dhoodaan jacbur kiisii kayidhi, “Bajeelo iyo dad badan baa magaalada xanaaq jaad la’iibsadaye, Basaskii Hargaysa iyo tagsigu waysu dudayaane, haddaan Dowladaa hoose iyo boolis kala gaadhin, qumanta iyo xaraash laha mid baa ooda loorogi.”

Waa sida ay utaalee Dowlada dhexe iyo  Dowlad goboleedyada qaybtooda siyaasad ahaan kasoo horjeeda midkood umbaa goreygu ka hadaafi doonaa, hadaan xalkale imanin.

YAA GARLEH? YAASE GAFEY?

1 – (AWLADA DHEXE LAYAAB MALEH: Oo Waxaa la arki jiray Dowlad kastaaba inay Goboladeeda hogaamiso iyaguna ay adeecaan xitaa hadii aragti ahaan lagu kala duwanyahay.

Markasta waxaan nidhaahnaa ama ku ducaysanaa Rabiyoow Qaran Soomaaliyeed oo xoog badan nasii!

Hadaba waxaan dadka Soomaaliyeed xusuusinayaa qaranka aan Alle waydiisanayno wuxuu noqon doonaa mid xuduudihiisa iyo goboladiisa gacanta kuhaya, goboladuna waxay noqondoonaan kuwo fuliya adeeg bulsho iyo siyaasada Qaranka.

Taas in si dhibyar loohelana ma fududa waxayna ubaahantahay isbadal xigmad ku dhisan. Isbadal kuna wuxuu leeyahay cidiyo dhaadheer oo uu wax ku xagto, kuna xanuujiyo.

Sida ii muuqatana waatan malaha Dawlada Federaalku ku fakarayso inay madax D.G oo ugu yaraan taabaacsan ay hirgaliso bal xuduudo iyo ciidan xoog halagaadhee.

Inay hawshaasi DF ka go’antahayna  waxaa muujinaya magacii ” GABRE waxaa badalay GAREEN.”

2 – DAWLAD-GOBALEEDYADA LAYAABI MAAYO: Oo waxay arki jireen iyagoo umadax banaan hawlahooda oo dhan dibad iyo gudaba. Waxa ay ka gadoodsanyihiina waa xeebtoodii oo lagusoo kubaareeyey iyo dhaqankii siyaasada oo isbadalay.

Waxaase haboon inay aqbalaan isbadalka, oo cidi xoog kuma muquuninaysee ay doorashooyin hufan qabtaan, markaa ama dib haloosoo doorto ama halaga guulaysto.

3 – JUBBALAND: Jubaland xaaladeedu waa Alle usiciid, waxa haatan ka jirana waa dawdhaaf siyaasadeed iyo caqligii shacabka soomaaliyeed oo lagu ciyaarayo.Waxaan odhan karaa waa dhaantadii saddeleyda la odhan jiray, saddex madaxwayne, saddex baarlamaan iyo saddex xukuumad: Maxay saas wax u noqdeen iswaydiin mayno oo waan ogayn heerarkii aysoo martay iyo sida wax u socdeen hadaba.

4 – MUDANE AXMED ISLAAM LAYAABI MAAYO: Oo wuxuu arki jiray doorasho aan lala tartamin intuu ku soobaxo, oo cidii markaa ay is hayaan natiijada qaadacdo, xoogaa is jiijiid ah ka dib, war bal halaysaga daayo layidhaahdo. Maantana matiibaa?

Waxaase haboon istiraatijiyadaas inuusan mar saddexaad, 8 sano kadib, 2019 miiska la imanin.

Hadii uu doorasho hufan qabto ama tanaasulo laba gooraba Waxaa sharaf iyo sumcad ugu filayd inuu ahaa ninkii maamulkan dhidibada u taagay ee aas-aasay.

hadana wiyishu qaskii meel lama tagine waxaan kutalinaynaa mudane madaxwayne Dubnadda inoo baandhee oo doorasho loo dhanyahay qabo.

5 – SEERAAR IYO XIDIGNA LAYAAB MALEH: Lama yaabayo oo waxay arki jireen wax lawada leeyahay oo laga wada tashado, hadii laga wadatashan waayana ninba xeeshii tashado.

LAYAABIMAAYO OO NINBA SIDUU ARKI JIRAY BAA LASAXSAN.

Qalinkii: Cabdisalaam Malow: Agaasinkii hore ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Laanta Jubaland.

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid