Sheekh Cabdirashiid Suufi “Qur’aanka waxaan kudhameeyey bil gudaheed”

Qaariga Soomaaliyeed, Sheekh Cabdirashiid Sheekh Cali Suufi, ayaa ku qabtay muxaadaro qiimo badan  magaalada Doxa ee caasimadda dalka Qatar 20/11/13,taas uu kugooni yeelay  jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadankaas.

Muxaadaradan oo aheyd tii ugu horaysay ee uu u jeediyo sheekhu jaaliyada, ayuu kaga hadlay Quraanka, taariikhda Qur’aanka Somalia iyo waana guud.

Sheekhu wuxuu kufurfurtay muxaadaradiisa xusuusin uu dhagka xusuusiyay in ay ku fakaraan heererka uu qof walbo soo maray, laga soo bilaabo maalintii uu galay uurka hooyadii, sidoo kale wuxuu ku booriyay inay ilaah u mahadiyaan, tala saartaan “Ilaahii kugu  irsaaqey caloosha hooyadeen- madhicirka iyo dhiiga dhexdoodana kugu quudiyay, ma umalaynaysa inuu ku quudin waayo adigoo aduunyada joogno?”

Dadku ilaah kuma mahadiyaan, waligaa ma maqashay madaxwaynayaasha aduunka oo intay isku yimaadeen  u mahadinaya ilaahii abuuray, sanad walbo way isku yimaadaan madaxda dawladaha aduunka waxayna ku kala tagaan ayagoon xitaa shukran kudhihin Allaahii ka abuuray candhuuf iyo xinjir” ayuu yiri sheekhu goor uu ka hadlayey inaan Allah ku mahadino siguud iyo sigaar ah.

“Sheekhow ii ducee candhuufta ayaa iga tagtaye”

Goor uu ka hadlayey nimcada Allah teeda yar iyo teeda weyn ayuu sheekhu kasheegeyey nin hada ka hor ka codsaday inuu u duceeyo kadib markii uu kudhacay af-angag oo uu waayay nimcada  candhuufta. “Oo candhuuftu maxay kuu tari jirtey?” Ninkii ayaa cabaar  intuu aamusay ku jawaabay “Marka aad waydo, oo afku ku angago ayaad ogaan kartaa faa’idadeeda. Waxaan cuni karo majiraan oo  waa inaan biyo isku dhaafiyo, dhadhan iyo calalin intaba ha sheegin”

Wuxuu sidoo kale sheegey sheekhu waxa ugu weyn ee Allah ugu abaal sheegtey nabigiisa Muxammad inuu ahaa Qur’aanka kariimka, waana tan ugu goodiyey inuu kala laabanaya haddii uusan wadada kutoosin “Haddii aan doona waxaan kaala laabanaynaa wixii aan kuu waxyoonay” Israa, Aayah 86.

Intaa ka dib sheekhu wuxuu kuguubaabiyay dadka inay kudhagaan Quraanka, dadka baraan, maalin walbana uu qofka aanu ka tagin akhriska wardiga Quraanka. Wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay in quraanka hadaadan akhrin uu kaa haajirayo “qofkii maalin ka haajiro 10 maalin uu ka haajirayo, qofkii taban cisho ka haajirana bil uu ka haajirayo, qofkii bil ka haajirana uu sannad ka haajirayo”.  Ayuu yiri sheekhu isagoo si gooni ah ula hadlayay dadka Qur’anka xifdiyay, dabadeedna uu kafogaada.

Taariikhda Qur’anka ee Somalia

Sheekhu wuxuu ka sheekeeyey taariikhda Qur’anka ee Somalia iyo dadaalka culimadii hore gaar ahaan Sheekh Cali suufi oo colaad badan kala kulmay faafinta Qur’anka qiraa’adkiisa kala duwan. “Sheekh cali Suufi wuxuu iiga sheekeeyey in ay jirtey barashada Qiraa’aadka Qur’anka iyo weliba cilmiga rasmiga(qorista Qur’anka) waayo musxafka maanta meelkasta yeela ma jirin”.

Sidee buu  sheekhu Qur’anka ku bartay?

Sheekh Cabdirashiid wuxuu sheegey inuu Qur’anka ku dhameeyey bil gudaheed markii uu hikaada bartay haseyeeshe waxaa ka horaysay dadaal kale. “Aabahay waxaan xasuustaa isagoo ikeeno masjidka oo dadka hortooda ifariisiyo, inta salaada lagu jiro, waxaana filaya inaan kayaraa sanadka salaada lagu tukado(7sano). Waxaan dhagaysan jirey xalaqaadka lagu akhriyo Qur’anka oo maalin walbaa lagu akhrin jiray laba jus, jus aroortii ah, iyo jus maqribka. Sanadka oo dhan wax fasax ah ma jirin. Markii aan hikaada bartay, waxaan arkay iyadoo Qur’anku ii sahlanyahay maadama aan dhagaysan jirey in badan, waana taas mida keentey inaan ku dhameeyo Qur’aanka bil gudaheed, oo maalin walbo la ii dhagaysan jiray jus, anigoo hor ujeed ah”

Qisadaas kadib, Wuxuu Sheekhu  dadka ku booriyey in ay tiknooliga kafaa’idaystaan, taas oo Qur’anka barashadiisa cudur daar la’aan kadhigayso.

Muxaadaradaas oo dhamaystirin, waxaan soo galinaynaa inshallah websiteka sida ugu dhaqsaha badan.

Intaan markale kulmi doona waxaan idinleenahay ‘Salamu Calaykum”

Adam Abdi Abuzuhri, Qatar

abuzuhri1@gmail.com