Sheekh Cali WAJIIS oo ka jawaabay warar laga faafiyey oo qabsaday baraha bulshada

Muqdisho (Caasimadda Online) – Sheekh Cali Wajiis oo ka tirsan Culimada Soomaaliyeed ayaa ka hadlay warar laga faafiyey oo ku saabsan inuu ku dhacay cudurka halista ku hayo adduunyada ee Coronavirus, islamarkaana lagu kala cararay Hotel uu isaga daganaa.

Sheekh Cali Wajiis oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sheegay in warkaas uu yahay mid been abuur ah isla markaasna uu isaga shaqsi ahaan caafimaad qabo.

Sidoo kale wuxuu sheegay inaysan waxba ka jirin wararka sheegayo in lagu kala cararay Hotelkii uu daganaa ee Dayax iyadoo laga cabsi qabo cudurka la sheegay inuu isaga ku dhacay, wuxuuna xusay in warkaas uu yahay mid dacaayad ah oo aysan waxba ka jirin,  sida uu hadalka u dhigay .

“ASC.. ummada Soomaaliyeed ee muslimka waxaan u sheegayaa in warka beentaa ee laga qoray Dayax hotel ee uu faafiyay Cali Aadan Muumin ee ah in hotelka lagu kala cararay, dad degan oo Sheekh caana ku jirana looga shakiyay Coronavirus…waxaan cadeynayaa in marka hore anigu aan caafimaad qabo 100% xataa hargab ima haayo oo 2-isbuuc ka hor ayuu maalin i qabtay waana ka bogsaday ,hotelkana wax dhiba kama jiro waana camiran yahay marka wararka dacaayadahaa ee la wareejinaayo halaga fiirsado…” ayuu yiri Sheekh Cali Wajiis.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey u sheegtay in dalka laga helay illaa 3 qof oo qabo cudurka Coronavirus, waxayna ku baaqday in wasaaradda loo dhaafo kiisaska Coronavirus iyo baaristiisa maadaama uusan dalka yaalin qalabka lagu baaro.