Sheekh Shariif oo cacdeeyay cidda leh mas’uuliyadda muranka badda

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Somalia Ahna musharax u taagan doorashada Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay Muran badeedka ka dhextaagan dowladaha Somalia iyo Kenya.

Sheekh Shariif waxa uu sheegay in Dacwada Badda ay dheeraatay tan iyo markii dowlada Kenya ay kusoo xadgudubtay Biyaha Somalia.

Sheekh Shariif oo qeyb ka ah Mas’uuliyiinta lagu tuhmaayo muranka Badda maadaama xiliga Heshiiska ay kala saxiixanayeen labada dalka uu isaga ahaa Madxaweynaha Somalia.

Sheekh Shariif ayaa iska fogeeyay eedeymaha ku aadan Muranka Badda ee isaga loo soo jeediyay, waxa uuna sheegay in wixii dhaliil iyo amaan ah ee ku aadan muranka Badda ay dusha saaran doonaan Cumar C/rashiid oo xiligaasi ahaa Ra’isul wasaaraha iyo C/raxmaan C/shakuur oo isna ku magacawnaa Wasiirka Qorsheynta oo iyagu si wada jir ah u saxiixay Heshiiska is afgarad ahaa oo dhexmaray Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.

Sheekh Shariif waxa uu tilmaamay in Muranka Badda Somalia uusan xiligaani aheyn in lagu soo beego xiliga doorashada, waxa uuna cod dheer ku sheegay in arrinka uu yahay mid la Siyaasadeynaayo, balse aan isaga khuseyn.

Sheekh Shariif waxa uu cadeeyay in muhiimadu ay tahay in wixii khuseeya arrimaha Muranka Badda loo madax-baneeyo Maxkamada, waxa uuna sheegay inay mudan tahay in lagu mashquulo howlaha doorashada dalka.

Waxa uu soo hadal qaaday dhismaha maamulka cusub ee lagu mideynaayo Gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe, wuxuuna sheegay inay wanaagsanaan laheyd in marka hore shir gaar ah loo qabto waxgaradka wixii intaa ka danbeeyana ay mudan tahay in maamul loo dhiso.

Docda kale, Sheekh Shariif ayaa Umadda Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka tashadaan aayahooda isla markaana ay u istaagan wax waliba oo lagu gaarikaro guul iyo midnimo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com