RW CC oo ay lasoo deristay shaki cusub oo ku aadan Guddiga doorashooyinka

Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha xukuumada Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa shaki xoogan ka qaba hanaanka ay u shaqeynayaan Xubnaha Guddiga Doorashooyinka dadban ee Somalia.

Sharmaarke oo ay kusoo noqnoqotay dacwooyinka laga muujinaayo Guddiga ayaa mar kale sheegay inaanu aqbali doonin in Guddiga Doorashooyinka ay qaadan tallaabo aan loo igman.

Ra’isul wasaaraha waxa uu tilmaamay in howsha loo xushay Guddiga aysan aheyn mid sahlan, sidaa darteedna aysan aqbali doonin in laga weecdo wixii sharciga khuseeya.

Waxa uu tilmaamay inay soo baxayaan dhaliilo ku xeeran qaabka uu Guddiga u shaqeynaayo, waxa uuna shaqooyinka noocaasi ah ku sifeeyay kuwo aan horseedi karin Nidaamka iyo Cadaalada loo yagleelay Guddiga.

”Howlaha Guddiga waa mid cad waxaan ka digayaa in laga weecdo wixii sharciga lagu saleeyay waayo waxaan dareemayaa inay jiraan shaqooyin aan Guddiga loo igman oo ay faraha kula jiraan”

”Wey dhicikartaa inay wax saxayaan balse howsha noocaasi ah uma madax-banaana waa inay kala hadlaan dowlada, waayo cida eeda ay usoo hoyaneyso waa aniga iyo inta ila midka ah”

Docda kale, Sharmaarke ayaa walaac ka muujiyay cabashooyinka kasoo yeeraya Musharaxiinta qaar, waxa uuna nasiib darro ku tilmaamay in doorashada ka hor ay Musharaxiinta muujiyaan cabasho wuxuuna ku baaqay in la tixgaliyo Musharaxiinta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

@