Xiliga la dhameystiri doono dhismaha maamulka Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe oo la shaaciyay (AQRISO)

Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Federaalka ah ee Somalia ayaa mar kale kawarbixisay halka uu maraayo shirka maamulka loogu sameynaayo Gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe ee ka socda magaalada Jowhar.

Dowladu waxa ay sheegtay in shirka uu iminka maraayo meel wanaagsan isla markaana Ergadu ay yihiin kuwo ku mashquulsan howlahooda shaqo ee caadiga ahaa.

Yaxye Cali Ibraahim oo ah Xog-hayaha joogtada Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Federaalka oo ku sugan magaalada Jowhar ayaa sheegay in dowladu ay aad ula dhacsan tahay sida iminka ay howsha u socto.

Yaxye Cali Ibraahim, waxa uu sheegay in qorshaha dowlada uu yahya in 15-ka Bisha October ee fooda nagu soo heysa la dhameystiri doono dhismaha maamulka Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.

Yaxye Cali Ibraahim, waxa uu cadeeyay in wali ay jiraan Beelo dhowr ah oo caqabad ku ah dhismaha maamulka hayeeshee shirka uusan u istaagi doonin caqabadahaasi.

Ergada ayuu sheegay in inta badan howlahooda ay soo afmeeren, waxa uuna tilmaamay inay isku afgarteen howlaha horyaal ee maamulka lagu dhisaayo.

Sidoo kale, Yaxye Cali Ibraahim, waxa uu carab dhabay in Ergada ay si rasmi ah u qeybsadeen Xildhibaanimada, waxa uuna cadeeyay in iminka loo xayiran yahay keliya magaca maamulka cusub iyo Calamka uu yeelan doono maamulka.

Dhinaca kale, Xog-hayaha joogtada Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ayaa ballanqaaday in 15-ka Bisha October ee fooda nagu soo heysa la dhameystiri doono dhismaha maamulka Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com