Qarax ay dad shacab ah ku nafwaayen oo goordhow ka dhacay Muqdisho +Khasaaraha

Muqdisho (Caasimada Online)-Qarax aad u xoogan ayaa waxa uu ka dhacay degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir, gaar ahaan maqaaxi ku tiilay suuq ku yaalla Degmada kaasi oo galaaftay nolosha dhowr qof.

Qaraxa ayaa waxaa ku dhintay ilaa 3 qof, waxaana sidoo kale uu dhaawac kasoo gaaray tirro intaa kabadan oo iyaguna goobta ku sugnaa xiliga Qaraxa.

Laba kamid ah dadka dhintay ayaa ahaa Haween kuwaasi oo xiliga Qaraxa ku sugnaa iridka hore ee maqaaxida.

Qaraxa kadib Ciidanka Amaanka iyo Maamulka Degmada ayaa waxa ay gaareen goobta uu ka dhacay Qaraxa, waxaana ay halkaasi ka wadaan baaritaano ku aadan Qaraxa.

Ma jirto cid sheegatay Masuuliyadda weerarkaas ka dhacay degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.

Dhanka kale, Maamulka iyo Saraakiisha Ammaanka degmada Kaaraan ayan weli wax war ah kasoo saarin Qaraxa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com