Golaha Wasiirada oo cadeeyay mowqifkooda ku aadan Duqeyntii lagu laayay ciidamada Galmudug

Muqdisho (Caasimada Online)-Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia, ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa kaasi oo ay diirada ku saaren duqeyntii shalay ka dhacday duleedka Gaalkacyo.

Shirka oo uu shir Guddoominaayay Ra’isul wasaare ku-xigeenka dalka Maxamed Cumar Carteh ayaa waxaa go’aan cad looga gaaray Duqeynta.

Golaha Wasiirada ayaa dowlada Mareykanka ka dalbaday inay sharaxaad waafi ah ka bixiyaan duqeyntaas iyo sida weerarkaas ula socodsiiyay hey’adaha amniga Somalia.

Golaha Wasiirada waxa ay ka tacsiyadeeyay dadkii ku dhintay duqeyntaas shacabkii iyo ciidamada Galmudug, sida lagu yiri qoraalka.
1

2