Daawo Sawiradda Sodomeeyo Cuuryaamiin ah oo Sheekh Shariif ku booqday Hooygiisa

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynihii Hore ee Somalia, ahna murashax u taagan Xilka madaxweynaha Somalia, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay tirro Barakacayaal ah kuwaasi oo uu ka dhageystay dhaliilo ku aadan dhanka Nolosha oo ay qabeen.

Sheekh Shariif ayaa Barakacayaashaani ay kusoo booqdeen hooygiisa, iyaga oo cabasho ka ahaa nolo xumi iyo amni darro isugu darsan tay waayadii danbe, waxa uuna Sheekh Shariif ugu bishaareeyay Barakacayaasha oo u badnaa curyaamiin inay heli doonaan nidaam caadil degdeg ah.

Sheekh Shariif ayaa uga mahad-celiyay booqashada ay ugu yimaadeen cuuryaaminta, isagoo u xaqiijiyay in ay xil gaar ah uu iska saari doonaan daryeelkooda haddii uu ku guulaysto xilka Madaxweynaha dalka.

Waxa uu u sheegay in mudada ka horreysana uu si gaar ah ula socon doono daryeelkooda, wixii uu awoodana uu u qaban doono.

Barakacayaasha waxa ay sheegen inay aad ugu rajo weyn yihiin in Sheekh Shariif uu dib usoo laabto, waxa ayna alle ugu baryeen in mar kale uu Kursiga Qaranka waafajiyo.
sheekh-shariif-1

sheekh-shariif-2

sheekh-shariif-3

sheekh-shariif-4

sheekh-shariif-5