XOG: Xafiiska RW CC oo ay ceyb ka taagan tahay kadib markii..

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya Xafiiska Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia, Cumar C/rashiid Cali, ayaa la sheegaya inay ka istaagtay howlihii Qaranka looga hayay.

Wararku waxa ay tibaaxayaan in muddo ku dhow Afar cisho aan Xafiiska Sharmaarke laga qaban howlihii looga bartay, sababo la xiriira maqnaanshiyaha Ra’isul wasaaraha iyo Hamigiisa ku aadan ka qeybgalka doorashada dalka.

Ra’isul wasaaraha oo safar quseeya ololihiisa ugu maqan dhanka deegaanada Puntland, ayaa waxa ay shaqooyinkiisa u hakadeen danihiisa gaarka ah, isagoo dhabarka xijiyay howlaha Qaranka.

Mid kamid ah howlwadeenada Xafiiska Ra’isul wasaare Cumar ayaa sheegay in muddo ku dhow Asbuuc aysan qaban howlihii loogu tallo galay in Xafiiska uu qabto, waxa uuna tilmaamay in taasi ay ugu wacan tahay Ra’isul wasaaraha oo ku mashquulsan ololihiisa.

Waxa uu intaa ku daray in shaqooyinka hakatka ku jira ay sabab u noqdeen howlo muhiim ah, kuwaasi oo iminka jirin cid uu usii wakiishay Ra’isul wasaaraha dalka.

”Haa wey jiraan caqabado cusub oo ka taagan Xafiiska waxaa si KMG ah hakat ugu jira dhammaan shaqooyinkii Xafiiska waayo Ra’isul wasaaraha markii uu baxaayay waxa uu nagu wargaliyay inuu maqnaan doono wax ka yar laba maalin balse waxaa noo muuqda inuu kusii fogaaday ololihiisa”

”Wey jiraan mas’uuliyiin kale balse qaarkood waxa ay ku maqan yihiin Safar, qaarna ilaa iyo markii uu baxay Ra’isul wasaaraha ma aysan soo shaqo galin, howshu waxaad mooda inay ku xiran tahay Cumar C/rashiid”

Ra’isul wasaaraha dalka oo ku sugan deegaanada Puntland ayaa waxa uu halkaasi kulamo joogta ah kula qaadanayaa Ergooyinka iyo mas’uuliyiinta maamulka, balse taa cagsigeeda waxa uu yahay in la dayacay howlaha Qaranka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com