Sargaal ka tirsan Wasaarada Cadaaladda DFS oo goordhow la khaarijiyay

Muqdisho (Caasimada Online)-Kooxo Hubeysnaa ayaa Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir ku toogtay Sargaal la sheegay inuu ka howlgalaayay Wasaarada Cadaaladda Dowladda Federaalka.

Sargaalkaani ayaa waxaa lagu dilay afafka hore ee masjid ku yaalla xaafada Horseed ee Degmada Waaberi, waxaana lasoo sheegayaa in lagu dhuftay dhowr xabadood.

Sargaalka la toogtay ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Maxamed Aadan oo ku magac dheer Qoordheere.

Dilka kadib ayey maleeshiyadu ka baxsatay goobta waxaana durbaba gaaray ciidamada amaanka Degmada, kuwaasi oo dilka marxuumka u qabtay dhowr qof.

Dilka Sargaalkaani ayaa daba socda dilal dhowr ah oo maalmahaani siyaabo kala duwan uga dhacaayay magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com