Sheekh Shariif oo ka hadlay dacwaddii ay maxkamadda sare u gudbiyeen maanta

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa ka hadlay Dacwaddii uu Xisbigiisa Maanta u gudbiyey Maxkamadda Sare ee dalka taasoo ku saabsaneyd xayiradii Shiikh Shariif ee Garoonka Aadan Caddde.

Shiikh Shariif ayaa sheegay inay dacwadaas Maxkamadda Sare u gudbiyeen iyagoo ilaalinayo shuruucda dalka u taalo, wuxuuna sheegay in is hortaaggii lagu sameeyey uu ahaa mid sharci darro ah.

“ Iyada oo laga duulayo dhowrista iyo ilaalinta shuruucda dalka ayaan si rasmi ah dacwad ugu gudbinnay maxkamadda sare ee dalka taasi oo ku saabsan is hortaaggii sharci darrada ahaa ee xukuumaddu ay ku sameysey xubnihii xisbiga Himilo Qaran ee aan hogaaminayay kuna socdey Kismaayo xarunta KMG ee Jubaland” ayuu yiri Shiikh Shariif oo qoraal kusoo qoray Boggiisa rasmiga ah ee Facebook.

Shiikh Shariif ayaa sheegay inaysan jirin cid ka sareyso Sharciga isla markaasna ay maxkamada Sare ka sugayaan cadaalad, wuxuuna xusay inay dacwadda si gaar ah uga gudbiyeen laanta fulinta ee Dowladda Soomaaliya oo uu ku eedeeyey inay iyada bixisay amarkii sharci darrada ahaa.

“ Ma jirto cid ka sareysa sharciga sidaa darteed waxaan maxkamadda sare ee dalka aan ka doonaynaa cadaalad, innaga oo dacwaddana si gaar ah uga gudbinnay laanta fulinta ee dowladda oo bixisay amarkii sharci darrada ahaa”.

Shiikha ayaa ugu dambeyn sheegay inay dacwadaas Maanta usoo bandhigeen Saxaafadda uuna u akhriyey xoghayaha arrimaha dibadda ee xisbiga Himilo Qaran Senator Ilyaas Cali Xasan.
“ Shir jaraa’id oo aan ku qabannay xarunta xisbiga ayaan warbaahintana kula wadaagnay, iyada oo uu u aqriyey nuqulka dacwadda aan gudbinnay xoghayaha arrimaha dibadda ee xisbiga Himilo Qaran Senator Ilyaas Cali Xasan”.

Dhawaan ayey aheyd Markii Shiikh Shariif loo diiday inuu raaco diyaarad u socotay Magaalada Kismaayo ee Maamulka Jubbaland halkaas oo uu kaga qeyb geli rabay Xafladda Caleema saarka Axmed Madoobe oo sababtaas darteed u baaqatay.

Shiikh Shariif iyo Xasan Shiikh oo horey usoo noqday madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filayaa inay ka qeyb galaan Xafladda Caleema saarka Axmed Madoobe oo Arbacada la filayo inay ka dhacdo Magaalada Kismaayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com