Sheekh Shariif oo loo diiday inuu ka dhoofo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta loo diiday inay ka dhoofaan garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

Sheekh Shariif iyo wafdigiisa ayaa saarnaa diyaarad ku socota magaalada Kismaayo, oo dowladda Soomaaliya ay diiday inay halkaas ka duusho, sababo aan la shaacin.

Sida aan xogta ku helnay, wafdiga Sheekh Shariif uu hoggaaminayo ayaa waxay doonayeen inay ka qayb galaan munaasabadda caleemasaarka madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Kadib saacado ay garoonka ku xanibnaayeen, ayaa Shariif iyo xubnihii la socday waxay isaga laabteen guryahooda, waana markii ugu horreysay ee madaxweyne Soomaaliyeed sidan loo bah-dilo.

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta soo saartay xayiraad cusub oo dheeraad ah, taas oo ku saabsan duulimaadka Kismaayo.

Hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed SCAA ayaa soo saartay amar ah in shirkad kasta oo u duuleysa Kismaayo inay soo weydiisato Xafiiska Hay’adda fasax duulimaad 24 saac ka hor.

Hay’adda ayaa ka dalbatay Diyaaraddaha aadaya Kismaayo inay soo weydiisato Xafiiska Hey’adda fasax duulimaad 24 saac ka hor, sidaas darteed waxaa lagu wargeliyay shirkad kasta fasaxii ay ugu duuli laheyd Kismaayo, si aan looga joojin duulimaadka.

Ma cadda in Sheekh Shariif uu saameeyey amarkan iyo in amarka uu soo baxay kadib markii la celiyey, ayada oo isaga loogu talo-galayo, waxaana ay u badan tahay in amarka uu dambeeyey.

Wixii faah-faahin naga filo dhowaan Insha Allah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com