Xubno kamid ah jabhadii ka dilaacday gobolka Awdal oo gacanta lagu soo dhigay

Hargeysa (Caasimada Online) ― Warar aanu helayno ayaa sheegaya in gacanta lagu soo dhigay oo xabsigana loo taxaabay xubno kamid ah Jabhadii dhowaan ka dilaacday deegaanada Dilla ee gobolka Awdal.

Xubnahaasi ayaa waxa xabsiga loo taxaabay xili ay isku dayayeen in ay weeraraan Mas’uulka ugu sarreeya Somaliland, oo ah Madaxweyne Muuse Biixi, sida uu sheegay Xildhibaan Nuur Rayaale oo kamid ah mudanayaasha golaha guurtida Somaliland.

Xildhibaan Nuur Rayaale Khayre oo ka hadlayey xarunta golaha guurtida oo ay ka socotay dood ku saabsan nabad-galyada ayaa waxa uu sheegay in Xukuumada Biixi uu hogaamiyo ay ku guuleysatay inay gacanta ku soo dhigto xubno ka tirsan Jabhadaasi.

Xildhibaanka ayaa waxa kale oo uu soo jeediyey in Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Biixi ay si deg-deg ah uga howl-gasho Jabhadaasi, isla markaana ay gacan bir ah ku qabato, wuxuuna yiri

“Anigu waxaan ka imid gobolka Awdal, gobolka Awdal waxa ka jira dhibaatooyin badan, dhibaatooyinkaa waxa ka mid ah, waakii Madaxweynuhu noo yimid, qolo Jabhad ah oo la keenay waanu ka kaxaynay meeshii, waxna waanu ka qabanay”.

“Weli may hadhin Xanaftii, qaar baa xidhan baa la leeyahay intaan ka soo maqnaa, markaa sida kale Nabad-bay u ahayd [gobolka Awdal], laakiin mar kasta xagga galbeedka ayay wax ka imanayaan, markaa in tallaabo laga qaado ayaa fiican Gobolka”.

Wuxuuna Intaas kusii daray “Siyaasadda Awdal, dadka qaarkii waxay wadaan dalka ayay waxyeelaysaa, markaa waa in wax laga qabto”.

Xildhibaan Nuur ayaa ugu dambeyntii wuxuu carabka ku adkeeyay in loo baahanyahay in wax laga qabto siyaasad guracan oo uu sheegay in ay wadaan dadka reer Awdal qaarkood, isla markaana waxyeelo gaarsiin karta nabada Somaliland.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com