Xog: Sheekh Shariif, Xasan iyo xubno kale oo qaban qaabinaya kulan xasaasi ah

Muqdisho (Caasimadda Online) – Magaalada Muqdisho waxaa ka socda qaban qaabada kulan deg deg ah oo ay yeelanayaan madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya iyo qaar ka tirsan asxaabta siyaasadda.

Saacadaha soo socdo ayaa la filayaa in madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo xubno ka tirsan Xisbiyada siyaasadda ay gurigiisa ku booqdaan Shiikh Shariif oo Maanta la saaray xayiraad ku aadan inuu aado Magaalada Kismaayo.

Kulankaan dhici doono ayaa la filayaa in madaxweynayaashii hore iyo Xisbiyada Siyaasadda ay uga hadlaan Xaaladda uu dalka hadda ku jiro iyo caburinta ay Dowladda Federaalka ku heyso Siyaasiyiinta kasoo horjeedo.

Is wareysi kadib kulankaan ayaa la filayaa in laga soo saaro war murtiyeed ku aadan qaabkii Maanta loola dhaqmay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed.

Hey’adda duulista Rayidka Soomaaliyeed SCAA ayaa soo saartay amar ah in Shirkad kasta oo u duuleysa Kismaayo inay soo weydiisato Xafiiska Hey’adda fasax duulimaad 24 saac ka hor.

Hay’adda ayaa ka dalbatay Diyaaraddaha aadaya Kismaayo inay soo weydiisato Xafiiska Hey’adda fasax duulimaad 24 saac ka hor, sidaas darteed waxaa lagu wargeliyay shirkad kasta fasaxii ay ugu duuli laheyd Kismaayo, si aan looga joojin duulimaadka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com