Ducaale iyo xubno kale oo u tagay Shariif, codsi deg deg ahna hor-dhigay

Muqdisho (Caasimada Online) – War hadda naga soo gaaray guriga madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegaya in halkaas ay tageen wafdi ka socda dowladda oo uu hoggaaminayo wasiirka amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale.

Wafidgan ayaa ka codsaday Shariif Sheekh Axmed inuusan warbaahinta kala hadlin xayiraaddii maanta laga saaray inuu u safro magaalada Kismaayo, si uu uga qeyb-galo caleemo-saarka madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe.

Shariif ayaa goor sii horreysay u yeeray warbaahinta, waxaana la filayey inuu qabto shir jaraa’id oo uu kaga hadlayo wixii maanta dhacay.

Ducaale, oo ku beel ah Shriif, iyo xubno la socda ayaa madaxweynihii hore ka codsaya in la xalinayo wixii maanta dhacay islamarkaana uusan hadlin inta ka horreysa, ayaga oo ka cabsi qaba in hadalkiisa uu dhalin karo xiisad cusub.

Ducaale iyo xubnaha la socda ayaa u sheegay Shariif  in amarka laga joojiyey diyaaraddiisa ay ahayd mid aysan dowladda oo dhan isku raacsan tahay, islamarkaana ay baarayaan cidda bixisay.

Waxaa hadda la filayaa in warbaahinta uu la hadlo guddoomiyaha xisbiga Shariif Sheekh Axmed ee Himilo Qaran, ayada oo Shariifna laga yaabo inuu hadlo kadib marka ay dhammaadaan wada-hadallada uu la leeyahay dowladda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com