Hooyo saddex caruur ah ku weyday dhacdo naxdin leh oo ka dhacday Boorama

Boorama (Caasimada Online) ― Wararka aanu ka helayno magaalada Boorama ee gobolka Awdal ayaa sheegaya in saddex caruur ah oo walaalo ahaa ay maanta kuwada geeriyoodeen magaaladaasi, kadib markii uu dab xoogani qabsaday guriga ay ka daganaayen magaalada Boorama.

Dabkaasi ayaa galaaftay nolosha Caruurtan yar-yar, kuwaasi oo guriga keligood ku sugnaa xiliga ay dhacdadaasi naxdinta leh ee galaafatay naftoodu ay ku habsatay, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyen dad goobjoog ahaa.

Saddexdan Caruur ah oo da’doodu u dhaxeyso 2-jir ilaa iyo 4-jir ayaa ku naf waayey dabkaasi qabsaday gurigooda oo ku yaalay xaafadaha Jarka ee magaalada Boorama, iyadoo sidoo kalena ay dhamaan ku shuf beelen agab iyo wixii hanti dhex-yaalay gurigaasi.

Hooyada dashay Caruurtan ayaa waxa lagu soo waramayaa inay guriga ka maqneyd xiliga ay dhaceysay dhacdadaasi, iyadoona dusha kaga sii qufushay irida, xiligaasi oo ay u soo adeegsay caruurteeda oo dhamaantood hablo wada ahaa.

Sida Caasimada Online loo xaqiijiyey, Meydadka caruurtan ayaa xili dambe laga soo saaray guriga ay ku dhex gubteen oo ahaa mid ka sameeysan ‘Jiingad’, iyadoona Meydadka labo kamid ah hablahaa yar-yar laga soo saaray iyaga oo isku dhagan, kadib markii ay isku kor gubteen.

Hooyada dhashay Caruurtan ee dhacdadan naxdinta leh ku weyday Saddexdii Caruurta ahaa ee dunida ka fiirsaneysay, ayaa markii ay guriga ku soo laabatay waxa la arkayey iyadoo dhamaanba ay Xaaladeedu is-badeshay, isla markaana dhagax guriga hor-yaalay la dhaceysa laabteeda.

Geesta kale, Ciidanka dab-damiska gobolka Awdal ayaa goobtaasi soo gaaray xili uu dhamaanba gurigaasi uu shuf beelay, oo dabkuna uu dhamaan Jiingada dhinac kasta madoobeeyay, sida ay noo xaqiijiyeen dad goobjoog ahaa.

Ilaa iyo haddana si rasmi ah looma oga sababta dhabta ah ee ka dambeysay dabkaasi xoogan ee galaaftay nolosha Caruurtaasi yar-yar, balse waxa iyagu soo baxaya warar kale oo sheegaya in guriga ay dhex-taalay ‘Showlad’, isla markaana ay sababtay dabkaasi xoogan.

Dhacdadan naxdinta leh ee ka dhacday Boorama, ayaa ku soo beegmaysa un muddo saddex cisho ka hor dhacdo lamid ah oo ka dhacday xaafad kamid xaafadaha Boorama oo uu sidan oo kale ku shuf beelay guri, inkasta oo dhacdadaasi aysan wax dad ahi waxyeelo ka soo gaarin.

Caasimada Online
Xafiiska Boorama
Caasimada@live.com