Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo qoraal soo dhigay Bartiisa Facebook ayaa kaga hadlay dhacdadii Maanta lagu xayiray Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Sheekh Shariif ayaa Maanta loo diiday inuu ka dhoofo Garoonka DIyaaradaha ee Magaalada Muqdisho isagoo kusii jeediyey Kismaayo oo uu doonayo inuu kaga qeybgalo Xafladda Caleemka Saarka madaxweynaha mar labaad la doortay ee Axmed Madoobe.
Xasan Sheekh Maxamuud oo arrintaan ka hadlayey ayaa sheegay inay 30 Sano qaadatay in gacanta lagu soo dhigo maamulitaanka hawada Soomaaliya.
Xasan Sheekh ayaa arrin laga xumaado ku tilmaamay inay Dowladda Federaalka Soomaaliya u adeegsado maamulitaanka Hawada Soomaaliya hub siyaasadeed.
Wuxu sheegay inay arrintaas ka dhallan karto qatar ku aadan xasiloonida Siysaadeed iyo midnimada Soomaaliya.
“Soomaaliya waxay 30 sano sugeysay inay hesho maamulka Hawada ” ayuu yiri Xasan Sheekh.
“Waa xaalad murugo leh in Dowladdu u isticmaasho Maareynta Hawada sidii hub siyaasadeed saameyn culus ku yeelan kara xasilloonida siyaasadeed iyo midnimada dalka” ayuu sii raaciyey.
Wasiirka Amniga Dowladda Soomaaliya Ducaale oo ay isku Beel yihiin Sheekh Shariif ayaa gelinkii dambe ku booqday gurigiisa, wuxuuna ka raali geliyey falkii Maanta lagula kacay.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com