Sheekh Shariif oo shuruud adag ku xiray Ducaale iyo xubnihii la socday

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnihii uu hoggaaminayay wasiirka amniga xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale ee raali galinta ugu tagay hooygiisa Shariif Sheikh Axmed ayaa Shariif kala soo kulmay sharuud adag.

Xubnaha gaaray hooyga uu Muqdisho ka daganyahay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed oo ka socday xukuumadda federaalka ayaa iskugu jiray wasiirro iyo xildhibaano waxaana hoggaaminayay wasiirka amniga Maxamed Islow.

Shariif ayay ka dalbadeen in uusan la hadlin warbaahinta oo markii uu kasoo laabtay garoonka soo buux dhaafisay gurigiisa, iyagoo isku dayay in ay si hoose uga raali galiyaan xayiraadii loogu gaystay garoonka Aadan-Cadde xilli maanta uu ku wajahnaa magaalada Kismaayo.

Madaxweyne Shariif ayaa gabi ahaanba iska diiday in si hoose loo raali galiyo, isagoo ku xiray raali galintiisa sharuud ah, in dowladdu ay soo saarto bayaan cad oo looga garaabayo xanibaadii maanta loo gaystay.

Xubnihii ka socday xukuumadda oo uu hoggaaminayay wasiir Islow ayaa waji gabax kala soo laabtay hooyga Sheikh Shariif uu ka daganyahay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Xildhibaano ka tirsan labada gole ee baarlamaanka federaalka, siyaasiyiin iyo hoggaamiyaasha xisbiyada siyaasadeed ee dalka ayaa buux dhaafiyay hooyga madaxweynihii hore Shariif Sheikh Axmed, waxaana hadda u socda kulamo gooni gooni.

Kulamada ka socda guriga Sheikh Shariif ayaa waxaa dibad joog ka ah warbaahinta, waxaana lagu wargaliyay Weriyaasha ku sugan goobta in goor dhaw loo sooban dhigi doono waxa kasoo baxa kulamadaas.

Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta laga hor istaagay safar uu ku aadi lahaa magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, si uu uga qeyb-galo caleemo-saarka madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Caasimada Online
Xaafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com