Puntland oo si kulul uga hadashay xayiraadii DF ay saartay madaxweyne Shariif

Garowe (Caasimada Online) – Maamul goboleedka Puntland ayaa war-saxaafadeed kasoo saaray xayiraadda dowladda federaalka ay ku kordhisay tii saarneed magaalada Kismaayo iyo is hor taaga lagu sameeyay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed.

War-saxaafadeedka ayaa lagu yiri, “Dowladda Puntland ee Soomaaliya waxey cambaareynaysaa xayiraadda socdaal ee dowladda federaalka ay saartay shacabka reer Jubbaland iyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed oo maanta lagu xanibay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho xilli uu ku sii jeeday magaalada Kismaayo”.

“Falka ay dowladda federaalka kula kacday madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheikh Axmed waxa uu jabinayaa dastuurka dalka, gaar ahaan qodobkiisa 21-aad  farqadiisa 1-aad iyo 2-aad oo ku saabsan xoriyadda isu-socodka muwaadinka, kuwaas oo u qoran sidan”:

  • “Qof kasta oo si sharci ah ku daggan dhulka Jamhuuriyadda waxa uu xaq u leeyahay in uu si xor ah u dagi karo, ugu dhex socon karo meel kasta oo dalka ka mid ah, kana bixi karo, (2) muwaadin kasta wuxuu xaq u leeyahay soo galidda, joogidda wadanka iyo in uu helo baasaboor”.

 Sidoo kale war-saxaafadeedka Puntlanda ayaa lagu yiri, “Tani waxey dhaawac ku tahay geedi socodka siyaasadda Soomaaliya, oo heerkaan kusoo gaartay wada hadal iyo isku tanaasul, iyada oo la kala aragti duwanyahay”.

Puntland ayaa qoraalkeeda ku tiri, “ Shariif Sheikh Axmed waxuu soo noqday madaxweynaha Soomaaliya, waxa uu ka mid ahaa madaxdii doorka muhiimka ah kasoo qaadatay in dalku ka baxo ku meel gaar, Puntland waxay u aragtaa ku tagri fal awoodeed iyo nasiib daro in madaxda dowladda federaalka ee hadda talada haya ay siyaasad u isticmaalaan awoodaha  dowliga  ah sida hantida ka dhaxeysa ciidanka, dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada, taas oo ay ku fushanayaan dano gaar ah iyo kuwo siyaasadeed”.

Ugu dambeyntii war-saxaafadeedka Puntland ayaa lagu yiri, “Puntland waxay shacabka  Soomaaliyeed, beesha caalamka iyo cid kasta oo daneysa arimaha Soomaaliya u sheegaysaa  in falalka nuucaan oo kale ah ay ku keenayaan dib u dhac balaaran hanaanka geedi socodka siyaasadda iyo horumarka Soomaaliya, taas oo mas’uuliyadeeda ay qaadanayaan madaxda dowladda federaalka Soomaaliya”.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeed Puntland

Caasimada Online
Xaafiiska Garowe
Caasimada@live.com