Sheekh Shariif oo u guuray xaafad cusub iyo qorshaha mucaaradka oo xoogeystay

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa xalay u guuray oo xarun ka dhigtay Waqooyiga Muqdisho, isagoo kasoo guuray hoygii uu ka deganaa agagaarka garoonka diyaaraddaha ee Muqdisho.

Qorshahaan uu Sheekh Shariif ugu soo guuray Waqooyiga Muqdisho ayaa qeyb ka ah istiraatiyada murashaxiinta mucaaradka ay isugu ballaarinayaan degmooyinka gobolka Banaadir, si awooda maamul ee dowladda waqtigeeda dhamaaday loo wiiqo.

Madaxweyne Shariif ayaa degay guri ku yaal degmada Cabdicasiis oo aan ka fogeyn guriga uu dhawaan degay madaxweyne Xasan Sheekh oo ku yaalla isla degmadaasi, gaar ahaan aagga Mirinaayo.

Maalmo ka hor ayaa degmada Cabdicasiis ee uu degay Sheekh Shariif waxaa kaga soo horeeyay madaxweyne Xasan Sheekh oo fariisimo dhowr ah ka sameystay, waxaana barbarka ku haya baro kontorool oo ay maamulaan ciidamo taabacsan Senator Xaaji Muuse Yalaxow.

Qorshahaan ayaa u muuqda mid milateri oo murashaxiinta ay degeen maadaama ay deganaayeen goobo isu dhow dhow oo ku teedsan garoonka diyaaraddaha Muqdisho, una arkeen in deegaanadaasi ay dhexda ugu jiraan kontoroollo ay maamulaan ciidamada dowladda.

Tallaabadan ayaa waxay tahay mid ka dhalatay mudo kororsiga Farmaajo oo looga soo horjeedo iyo dhaqdhaqaaqyada dowladda ay ku dooneyso inay ku baabi’iso awooda ciidan ee taliyihii hore ee booliska gobolka Banaadir Jen. Saadaq Joon

Tan iyo markii uu baarlamaanka fuliyay qorshaha madaxweynaha mudo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Farmaajo ee mdudo kororsiga, waxaa dhaawacmay horumarkii dimoqraadiyadda ee ay Soomaaliya hiigsaneysay.

Qoraal shalay kusoo baxay Caasimada Online ayaa waxaa uu kashifay in magaalada Muqdisho labo qeybood u qeybsantay, qeyb dowladda ka caagan iyo qeyb mucaaradka ka taliyaan oo aysan usoo gudbi karin dowladda.

Ali Muhiyaddiin
London, Caasimad