Xog: Qeybo ciidanka DF ka mid ah oo diiday weerar ay ku qaadaan Jeneral Saadaq

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ayaa ka tanaasushay qorshe ay ku weerari laheyd taliyihii hore ee booliska gobalka Banaadir Jeneraal Saadaq Joon oo degaan ka dhigtay xaafada Shiirkole, kadib cadaadis beeleed xooggan oo la saaray iyo qaar ka mid ah ciidanka oo diidan inay ka qeyb-galaan weerarka, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Caasimada Online ayaa xaqiijsay in taliyaasha ciidamada Gorgor iyo Alpha Group ay diideen in ay ka qeyb qaataan weerarka Saadaq Joon, oo laba mar ay dowladda isku dayday toddobaadkii tegay balse ku fashilantay.

Xogta aan helnay ayaa tilmaamaysa in taliska Gorgor oo dacaayad iyo cambaareyn xoog leh kala kulmay weerarkii lagu qaaday madaxdii hore ee qaranka, islamarkaana ay todobaadkii tegay aba jeer iska diideen in ay markale ka qeyb qaataan weeraro salka ku haaya arrimo siyaasadeed. 

Sidoo kale taliska ciidanka gaarka ah ee Alpha Group islamarkaana ka tirsan NISA laakiin ka mid ah ciidamada ay tababartay dowladda Mareykanka ayaa diiday in ay ka qeyb qaataan weerarka ka dhanka ah Jenaraal Saadaq Joon oo dagan xaafadda Shiirkole ee degmada Hodan.

Labadaan ciidan oo ay tababareen dowladaha Mareykanka iyo Turkiga islamarkaana ilaa hadda gacanta ugu jira dalalkaas ayaa taliyaashooda waxay sheegeen in aysan diyaar u aheyn ka qeyb qaadashada dhacdooyin salka ku haaya muranka doorashada iyo dano gaar ah. 

Sidoo kale, ka sokow taliska ciidanka, askar badan oo ciidanka ku jira ayaa diiday inay dagaal ku qaadaan dad lagu haysto dano siyaasadeed, oo qaarkood ay ehel iyo isku beel yihiin.

Sidoo kale xogta aan helnay ayaa tilmaameysa in inta badan ciidankii Haramcad ee qaadi jiray weerarada nuucaan ah ay intooda ugu badan yihiin ciidanka la goostay Janaraal Saadaq Joon, halka ciidanka Waran iyo Gaashaan ee NISA aysan aheyn tiro badan waxayna sugaan amniga xarumo gaar ah.