Sheekh Shariif oo war cusub kasoo saaray doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo sidoo kalena ah Guddoomiyaha Midowga Musharixiinta Mucaaridka oo maanta dalka dib ugu soo laabtay ayaa walaac xoogan ka muujiyey xaalada siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan doorashada lagu muransan-yahay.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in laga gaabiyey doorashadu inay ku qabsoomto xiligeed, isagoona nasiib darro ku tilmaamay in ilaa hadda aan weli laga gaarin xal kama dambeysa ah qabsoomida doorashada, oo ay naga xigto muddo kooban.

Waxa uu carabka ku adkeeyay in wada-hadal laga yeesho khilaafka ka taagan doorashada, si ay dalka uga qabsoomto doorasho xor iyo xalaal ah oo lagu wada qanacsan yahay.

Shariif ayaa ka dhawaajiyey in weli ay jirto fursad ay ku heshiin karaan dhinacyada isku haya hanaanka doorashada dalka, ka hor inta aan la gaarin muddo xileedka dowladda hadda talada haysa, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxay aheyd in xiligan ay socdaan howlaha doorashada, balse ay nasiib darro tahay in ilaa hadda aan la isku waafaqsaneyn arrimaha doorashooyinka dalka,” ayuu yiri guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Mucaaridka.

Ugu dambeyntiina waxa uu muujiyey rajo ku aadan in dalka ay ka qabsoomto doorasho xor iyo xalaal ah, isagoona hoosta ka xariiqay in dalku u baahan yahay xasilooni iyo nabad.

Doorashada Soomaaliya ayaa waxa hareeyay muran baahsan, iyada oo mucaaridka iyo dowladda isku hayaan hanaanka doorashada, xili ay muddo kooban ay ka harsan tahay qabsoomida doorashada lagu muransan yahay oo ku eeg muddo xileedka madaxweynaha hadda talada haya.