Muxuu Golaha Ammaanka QM kala hadlayaa wasiirka arrimaha dibadda Somalia?

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo ku sugan dalka Mareykanka ayaa si hordhac ah u sheegay inuu la kulmayo xoghayaha qaramada Midoobay Antonio Guterres iyo 15-ka xubnood ee golaha ammaanka.

Ujeedka kulanka uu wasiirka la yeelanayo xubnaha golaha ammaanka waxaa lagu sifeeyay inuu usoo bandhigayo Xaaladda xiligaan ka taagan gudaha Soomaaliya isla markaana uu ka dhageysan doono talooyinka ay usoo jeediyaan.

“Safarkeyga waa mid leh dhawr ujeeddo, tan koowaad waa in aan xoojiyaa xiriirka Soomaaliya & Mareykanka oo aan ka shaqeeyo qorshaha ballaarinta, maadaama madax cusub ay imaaneyso, waxa aan New York kula kulmayaa shanta xubnood ee rasmi ah & tobanka wareega, kadib waxa aan qaabilayaa Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay oo aan warbixinta Xaaladda Dalka la wadaagayo,” ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud.

Wasiirka wuxuu sheegay inuu la kulmay qaar ka mid ah safiirada wadamada daneeya arrimaha Soomaaliya, waxeyna ka wada hadleen xaaladda uu dalka ku jiro iyo isbadalka sanadka cusub.

Dowladda Soomaaliya waxey wali radaineysaa lacag dhan 36 Malyan oo Doolar oo ay ka doonayeen qaramada Midoobay si ay doorasho u qabtaan, waxeyna sheegeen in doorashada ay ku baxeyso lacag dhan 40 Malyan oo Doolar.

Doorashada Soomaaliya wali muran ayaa ka taagan, waxaa jira waxyaabo badan oo ku hor gudban in loo dareero doorashada oo wakhtigeedii sii dhaafeysa, sidoo kalana beesha caalamka waxey ku baaqday shir ay wali diidan tahay dowladda uu hogaamiyo Farmaajo.