Dhageyso: Sheikh Soomow oo dacwad ku soo oogaya Xasan Sh. (Sabab?)

Muqdisho (Caasimada Online) Sheekh Cabduqaadir Soomow oo ah afhayeenka Ahlu Sunna ee gobalka Banaadir ayaa sheegay in dacwad ka dhan ah madaxweynaha Soomaaliya uu geesan doono hey’addaha garsoorka dalka.

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay maanta Muqdisho ayuu Sheekh Soomow ku sheegay in meel looga dhacay sharraftiisa isla markaana si qalad ah loo xiray isagoo aan wax dambi geesan sida uu hadalka u dhigay.

“Anniga bini’aadam ayaan ahay waan qaldami karaa waa la I xiri karaa, balse ma ahan wixii la ii geestay ee gaf ah in raalli-galin la-iga siin” ayuu yiri afhayeenka Ahlu Sunna ee gobalka Banaadir.

Sheekh Soomow ayaa sheegay in uu qabsan doono abukaato isla markaana uu dacwad geesan doono maxkamadda ugu sareesa dalka si loo cadaallad falo.

Wuxuu sheegay haddii sidan la iska xiraayo qof kasta oo la doono lagu soo oogo dambi uusan gallin in ay tahay mid sumcad xumo ku ah dowladda fedaraalka Soomaaliya.

Soomow ayaa hoosta ka xariiqay in uu madaxweynaha Soomaaliya aqoonsan yahay isla markaana uu yahay madaxweynihiisa.

Si kastaba, Sheekh Cabduqaadir Soomow ayaa bishii hore la xiray muddo dhowr saac ah kaddib markii la sheegay in uu soo amray madaxweynaha Soomaaliya balse waxa lagu sii daayay damiin.

Dowladda ilaa hadda kama hadlin xarigga Sheekh Soomow.

Halkaan ka dhageyso Sheekh Soomoow

soomow

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

caasimada@live.com