Xog dheeri ah: Weerarkii Beledweyne

Baladweyne (Caasimada Online) Waxaa sii kordhay tirada dadka ku dhintay qarax shaley barqadii ka dhacay magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan.

Dhakhaatiirta Isbitaalada ayaa sheegay in ilaa hadda la ogyahay 17-qof in ay ku dhinteen qarixii shaley, waxaana ay lee yihiin waxaa jirra kuwa badan oo xaaladooda ay tahay halis haddii aysan helin gurmad degdeg ah.

Qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay weerarka ayaa la geeyay Isbitaalka AMISOM ee ku yaalla deeganka Ceel-Jaalle oo dhowr km u jirra magaalada.

Dhinaca kale, howlgallo ciidamada ammaanka ay ka sameeyeen magaalada ayaa lagu soo qabqabtay dhowr qof oo lagu tuhunsan yahay in wax ka soo maleegeen qarixii ismiidaaminta.

Guddoomiye ku-xigeenka dhinaca ammaanka gobalka Hiiraan Maxamed Ibraahim Tusbaxle oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dadka la qabtay ay ku socdaan baaritaano kuwii dambi lagu waayana la iska deen doono.

Xaalladda magaalada ayaa caadi ku soo noqotay oo hadda waa ay deggantahay, in kastoo meelaha qaar bandow ay ku soo rogeen ciidamada Ethiopia.

Waa qarixii labaad oo ka dhacay Baladweyne oo dad badan ay ku dhintaan, sannadkii 2009-ka ayey ahayd markii weerar Ismiidaamin ah lagu qaaday xubno uu ku jiray wasiirkii hore ee gaanshandhigga.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com