DHAGEYSO: Puntland oo isku xirtay la shaqeynta DF iyo xilka Xasan Sheekh

Garoowe (Caasimada online) Wasiirka warfaafinta Maamulka Puntland, Axmed Sheekh Jaamac, ayaa sheegay inaysan wax la qeybsan doonin dowlada Federaalka Soomaaliya inta xilka uu hayo Madaxweynaha iminka Talada dalka Haya ee Xasan Sheekh Maxamuud.

Wasiirka ayaa hadalka ka jeediyay kulan ka dhacay magaalada Garoowe oo looga hadlayay Xeerka Saxaafada Puntland, waxaana uu sheegay in go’aankaasi uu yahay mid ay ku mideysan yihiin dhamaan Shacabka iyo Madaxda Maamulka Puntland.

Wasiirka ayaa Tilmaamay in ay dowlada Soomaaliya ay wax la weybsan doonaan Maarka sida uu tilmaamay uu xilka isaga dego Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isla-markaana ay wax la qeysan doonaan dowlada Xigta mida iminka jirta hadii ay nidaamka duwan midkan ay ku dhaqmaan .

Puntland ayaa horay waxay usheegtay inay xiriirka ujartay Dowladda Soomaaliya, kadib markii maamulka Dowladda dhexe ee Soomaaliya uu ku eedeeyay waxkabedelka arimaha Dastuurka Soomaaliya.

Hayeeshee dowlada Soomaaliya ayaa eedeyntaasi waxay ku tilmaamtay mid been abuur ah, inkastoo Puntland ay arintaasi ku adkeysaneyso .

Halkan ka dhageyso Wasirka warfaafinta Puntland 

Caasimada online

Xafiiska Garoowe

Caasimada@live.com