R/W Saacid oo ku dhowaaqaya golaha wasiirada xilli weli muran uu jiro

Muqdisho (Caasimada Online) Shabakadda Caasimada Online ayaa ogaatay in maalmaha soo socota raysal wasaaraha xukuumadda fedaraalka Soomaaliya uu ku dhawaaqi doono golaha wasiiradiisa cusub, kaddib markii uu shaaciyay in isku shaan-dheen ay dhaceyso.

Dad war-gal ah ayaa u sheegay Caasimada Online, uu ku dhawaaqi doono 18 ilaa 20-wasiir iyo hal wasiir ku xigeen iyo agaasimayaal.

Dadka la magacaabi doono waxaa ku jirra dad aan dalka ka bixin burburkii dalka 22-kii sanno ee la soo dhaafay, waxaana arrintaas dabada ka riixaya madaxweynaha Soomaaliya oo qudhiisa ku sugnaa dalka burburkii oo dhan.

Sidoo kale ilaha aan warkan ka soo xiganay ayaa sheegaya in ra’iisal wasaaraha uu ku dhawaaqi doono golihiisa wasiirada ka hor 26-ka bishan oo uu hortagayo mudanayaasha baarlamaanka.

Warar duul dulaya oo laga soo dusiyay xafiiska ra’iisal wasaaraha ayaa sheegaya in uu jirro khilaaf ka dhexeeya madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha kaasoo salka ku haya magacaabista golaha wasiiradda cusub.

Ra’iisal wasaaraha ayaa madaxweynaha u sheegay in uu faraha uga qaado magacaabiista golaha wasiiradiisa isla markaana uu joojiyo faragallinta.

Isku soo duub waxaa jirra wasiiro la cuni doono oo hadda shaqeeya ma na qaano kuwa ay noqon doonaan sidoo kale waxaa jirra kuwa ka soo muuqan doona liiska cusub ee golaha wasiiradda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com