Sheeko xanuun badan oo ku saabsan gabar 7 jir ahayd oo maanta Muqdisho lagu dilay

Muqdisho (Caasimada Online) – Sitra Cabdiwahaab Cawil Bootaan waxa ay ahayd gabadh 7 jir ah oo caqli iyo maskaxba rabbi ku galadaystay, waana da’da labaad ee qoyska reer Cabdiwahaab oo ka koobnaa 3 carruur ah ka hor Sitra.

Galinkii danbe ee maanta ayaa Sitra oo taagan gurigooda hortiisa xaafadda Buulo Xuubey waxa haleelay rasaas ay fureen rag ku labisan dharka ciidanka oo watay gaari dusha ka furan. Nasiib darro Sitra markii cusbitaalka la geeyay ayay naftu ka baxday.

Kooxdii dilkan arxandaradda ah gaysatay uma istaagin ilamaha yar ee ay dileen, waxayse iska sii wateen socodkooda, ayaga oo ugu dambeyn meesha ka baxsaday, mana jirto xitaa cid is-weydiineysa.

Cabdiwahaab iyo Hani oo ah labada waalid ee ay Sitra ka baxday si gaara ayaan ugu tacsiyeynaynaa, ILAAHAY samir ha idinka siiyo, qalbiyadiina ha qaboojiyo, badal khayr qabana ha idinku deeqo.

Waa mid ka mid ah sheekooyinka xanuunka badan ee ka taagan magaalada Muqdisho, oo dhowaanahan dilalka ay sii kordhayeen.

Dowladda Soomaaliya waxaa looga fadhiyaa inay raadiso ciidamdii falkan gaystay, kadibna cadaaladda hor-keento, islamarkaana jawaab buuxda iyo magdhow ay siiso qoyska gabadhan quruxda badneyd ay ka baxday.

Xigasho: RadioDalsan

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com