Xogta shirka R/W Xamza uga qeyb-galay Koonfur Kuuriya

Seoul (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa ka qayb-galaya shir-madaxeedka Kuuriyada Koonfureed iyo Afrika oo maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Seoul.

Shirkan oo ah kii ugu horreeyay ee noociisa ah oo ay ka qayb-galayaan madaxda Afrika iyo Jamhuuriyadda Kuuriya ayaa ra’iisul wasaare Xamza waxa uu galabta ka jeedin doona khudbad madasha shirka.

Xamza ayaa khudbadiisa kaga hadli doono qodobo dhawr ah oo ay kamid yihiin fursadaha maal-gashi iyo iskaashi ee dhinaca ganacsiga ee ka jira Soomaaliya iyo dadaalka ay wado dowladda Soomaaliya oo horumar weyn ka sameysay xagga amniga, siyaadda, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa magaalada Seoul ee caasimada dalkaasi ka socon doono inta u dhaxeyso  4 illaa 5 Juun ee sanadkan 2024-ka.

Intiisa badan waxaa shirkan diiradda lagu saari doonaa xiriirka soo jireenka ah ee Koonfur Kuuriya iyo dalalka Afrika, gaar ahaan dhinaca iskaashiga oo ay ugu muhiimsan tahay horumarinta ganacsiga.

Waxaa sidoo kale lagu eegi doonaa sidii iskaashi looga yeelan lahaa dhinacyada Ganacsiga, hormarinta kabayaasha dhaqaalaha dalalka qaarada Afrika, isbadalka cimilada ay ku yeelatay qaarada Afrika iyo arrimo kale.

Ra’iisul wasaare Xamza oo shirkan ku metalaya Soomaaliya ayaa sidoo kale waxa uu kulan doceedyo la qaadan doonaa madaxada kasoo qayb-galeysa shirkan oo uu kala hadli doono xaalado quseeya arrimaha Soomaaliya.