28.7 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

Shirka dib u heshiisiinta Jubbooyinka ee Muqdisho goorma ayuu furmayaa?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) Dowladda Soomaaliya ayaa galabta sheegtay xilliga uu furmaayo shirka dib-u-heshiisiinta Jubbooyinka oo markii seddaxaad maanta dib u dhacay.

Wasiir ku-xigeenka warfaafinta Soomaaliya, Cabdishukuur Cali Mire oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in shirku uu furmi doono maalinta berri ah.

Wasiirka ayaa sheegay in dhammaan shirka wax yaabaha loogu talagalay in ay dhimmeestiran yihiin, wuxuu kaloo sheegay in  dhammaan ergooyinka ka qaybgalaya shirka ay soo gaareen magaalada Muqdisho.

Shabakadda Caasimada Online, ayaa ogaatay in shirka uu ka dhici doono Hotel Jazeera oo ku yaalla meel ku dhow garoonka diyaaradaha Muqdisho, waxaana la sheegay in muddo Shan cisho uu socon doono shirka sida ay lee yihiin ilo xog-ogaal ah oo aan la hadalnay.

Sida lagu wado shirka waxaa ka qeyb-galaya siyaasiyiin iyo odayaal ka soo jeeda gobollada Jubbooyinka iyo Gedo, waxaana ku jirra hoggaamiyaha kumeel gaarka Axmed Madoobe, Wakiilo ka socday Barre Hiiraale,Cumar Buraale, Cabdi Baalleey kuwaasoo dhammaantood sheegtay madaxweynayaasha Jubbooyinka.

Dhinaca kale, waxaa la adkeeyay ammaanka halka uu shirka dhacayo, waxaana la joojiyay in gaadidka dad weynaha ay adeegsadaan halkaas.

Ciidamo badan ayaa la dhigay agagaarka hotelka uu shirka ka dhacayo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News