Shirka Golaha Wasiirada oo laga soo saaray go’aan culus oo la xiriira ciidamada

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka Golaha Wasiirada oo uu maanta shir-guddoomiyay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Salaax Jaamac ayaa waxa laga soo saaray go’aan culus.

Golaha Wasiirada ayaa gebi ahaanba mamnuucay in ciidanka xooga dalka loo adeegsado wax ka baxsan waajibkooda dastuuriga, xili uu dalka ku jiro xaalada dagaal.

Sidoo kale waxa uu golaha ka dhageystay warbixin Wasiirka Gaashaandhiga, taasi oo ku saabsaneyd halka ay marayaan hawl-galada lagu baacsanyo argagixisada iyo guulaha wax-ku-ool ah ee ay gaareen ciidamada qalabka iyo dadka deegaanka oo is-kaashanaya.

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Gudaha asagna ka warbixiyay xaaladda Abaaraha ee dalka iyo halka ay marayaan hawlaha gurmadka.

Ugu dambeyntiina waxa shirka golaha wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya lagu soo bandhigay warbixino la xiriira Isgaarsiinta iyo caafimaadka dalka.

Shirka Golaha Wasiirada ayaa toddobaadyadii u dambeeyay waxaa si gaar ah diirada lagu saarayay xaalada dagaal ee ku jiro dalka, ayada oo shirka kasta golaha uu soo saaray go’aamo muhiim u ah xaalada taagan.